Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ka warbixiyay shir uu uga qaybgalayo dalka Koonfur Afrika

0
Tuesday August 06, 2019 - 15:01:08 in by salman abdi
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ka warbixiyay shir uu uga qaybgalayo dalka Koonfur Afrika

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ka warbixiyay shir uu uga qaybgalayo dalka Koonfur Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ka warbixiyay shir uu uga qaybgalayo dalka Koonfur Afrika
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo dalkaasi Koonfur Afrika.

 
 
Shirkaasi waxaa ku sugan guddoonnada Baarlamaanada dalalka Afrika,kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunidda iyo gudaha dalalkoodiba.

Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga waddamada Afrika.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigi doonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan.

"Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan." ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dhowaan gaaray dalkaasi Koonfur Afrika ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa,waxaana ay la yeeheen kulamo is xog wareysi ah.