Madeira oo sheegay Al-Shabaab inay doonayaan sidii ay ku noqon lahaayeen awood Siyaasadeed

0
Wednesday August 07, 2019 - 14:26:24 in by salman abdi
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madeira oo sheegay Al-Shabaab inay doonayaan sidii ay ku noqon lahaayeen awood Siyaasadeed

    Madeira oo sheegay Al-Shabaab inay doonayaan sidii ay ku noqon lahaayeen awood Siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madeira oo sheegay Al-Shabaab inay doonayaan sidii ay ku noqon lahaayeen awood Siyaasadeed
Wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka ciidammada AMISOM, Francisco Madeira ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay beddeleen hab-kooda dagaal.

 

Wuxuu tilmaamay diblumaasigan u dhashay dalka Mozambican in dagaallamayaasha Al-Shabaab inaysan awood u lahayn dagaal toos ah oo ay la galaan ciidanka AMISOM, iyaga oo uu sheegay inay adeegsanayaan dagaal jabhadaynta ah.

"Al-Shabaab waxay adeegsadaan xeelado dagaal oo jabhadeyn ah si ay u gaaraan hadafkooda balse ma hor imaan karaan ciidammada.. waxay isku haleeynayaan gaadmo iyo is qarxin." ayuu yiri.

"Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah." ayuu yiri Amb. Madeira oo wareysi siiyay wargeyska The Star ee dalka Kenya.