Shirkad Musuq Maasuq Ka Samaysay Wadamo Afrika Ku Yaala, Suna Ku Aastay Oo Xukuumada Qorshaynayso Inay Ku Wareejiso Haamaha Shiidaalka Berbera

0
Thursday August 08, 2019 - 20:53:09 in by salman abdi
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Musuq Maasuq Ka Samaysay Wadamo Afrika Ku Yaala, Suna Ku Aastay Oo Xukuumada Qorshaynayso Inay Ku Wareejiso Haamaha Shiidaalka Berbera

    Shirkad Musuq Maasuq Ka Samaysay Wadamo Afrika Ku Yaala, Suna Ku Aastay Oo Xukuumada Qorshaynayso Inay Ku Wareejiso Haamaha Shiidaalka Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkad Musuq Maasuq Ka Samaysay Wadamo Afrika Ku Yaala, Suna Ku Aastay Oo Xukuumada Qorshaynayso Inay Ku Wareejiso Haamaha Shiidaalka Berbera

Xukuumada somaliland ayaa qorshaynaysa inay wareejiso maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera.


Warar soo shaac baxay ayaa xaqiijinay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay doonayso inay in maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera u gacan galiso shirkad lagu magacaabo TRAFIGURA oo ka diwaan gashan wadanka Singapore isla markaana laga leeyahay wadanka Faransiiska.


 

Xukuumada somaliland wali kamay hadal isla markaana si toos ah umay soo bandhigin qorshaha ay doonayso inay ku wareejiso maamulka Haamaha shiidaalka ee Berbera, balse waxa jira amar ka soo baxay maareeyaha haamaha shiidaalka Xasan Embassy kaas oo ay ganacsatada isticmaasha haamuhu ay dareen taban ka muujiyeen.


Amarka uu maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera Xasan Embassy uu soo saaray oo si toos ah ugu socda ganacsatada isticmaasha haamaha shiidaalka ayaa ganacsatadu rumaysan tahay inuu hordhac u yahay qorshaha ay xukuumadu doonayso inay ku wareejiso haamaha maadaama oo aanay jirin inay dalka keenaan shiidaal ay ku badan tahay maadadaas uu maareeyuhu digniinta ka soo saaray.



Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtada Maareeyaha Haamaha Shiidaalka


Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtada Maareeyaha Haamaha Shiidaalka





Dhinaca kale masuuliyiin ka socday shirkadan TRAFIGURA ayaa 27-kii February kulan gaar ah magaalada Hargeysa kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici kaas oo wararku sheegeen in Saylici ay hordhigeen qorshaha ay doonayaan in loogu gacan galiyo maamulka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.


Masuulka Goobada Cas Ku Wareegsan Tahay Ayaa Ka Socday Shirkada Trifura

 

Dhinaca kale shirkadan ay xukuumada somaliland doonayso inay ku wareejiso haamaha shiidaalka ee Berbera ayaa ah mid hore uga soo shaqaysay wadamo ka mid ah qaarada Afrika taas oo lagu eedeeyo musuq maasuq iyo dhibaato ay u gaysatay deegaanka Bada.


Halkan Guji Oo Kaga Bogo Warbixin Shirkada TRIFUGRA Laga Qoray 23 July 2010 taas oo daaha ka qaadaysa hagardaamooyin ay ka gaysatay wadanka Ivory Coast.


Halkan Guji Si Aad Uga Bogoto Ganaax Ay Brazil Ku Riday Ka Dib Markii Dambi Lagu Helay


Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Warbixin Laga Qoray Mar Musuq Maasuq Lagu Qabtay