Madaxweynihii hore ee Kyrgyzstan oo la soo qabtay

0
Friday August 09, 2019 - 10:57:44 in by salman abdi
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Kyrgyzstan oo la soo qabtay

    Madaxweynihii hore ee Kyrgyzstan oo la soo qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Kyrgyzstan oo la soo qabtay

Xoogagga ammaanka dalka Kyrgyzstan ayaa soo xiray madaxweynihii hore ee dalkaas Almazbek Atambayev kaddib markii weerar ay gurigiisa ku qaadeen ay sababtay dhimashada hal askari.

Mr Atambayev ayaa la sheegay inuu isa soo dhiibay kaddibna waxaa loo qaaday acasimadda.

Madaxweynaha haatan ee dalkaasi Sooronbai Jeenbekov ayaa sheegay in Mr Atambayev, oo markii hore loo doon doonayay marqaati ahaan, uu haatan galay "dembi weyn".

Atambayev ayaa dhowr jeer oo hore diiday amarrada booliiska si uu marqaati uga noqdo ku tumasho awood iyo musuqmaasuq la sheegay inuu dalkaasi ka dhacay.

Ciidammada gaarka ah ayaa xalay isku dayay inay galaan gurigiisa , balse taageerayaashiisa ayaa hub qaatay si ay u difaacaan.

KyrgyzstanLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTaageerayaasha Mr Atambayev ayaa jawi dabaaldeg ku jiray kaddib markii ay ciiddamo hubeysan ka cayriyeen gurigiisa

Kaddib, mar kale ayay ciidammadu u suurto gashay inay go`doomiyaan guriga madaxweynihii hore.

Mr Jeenbekov - oo ay hore isku dhowaayeen Mr Atambayev - ayaa sheegay in madaxweyinihii hore uu sharciga ku xad gudbay, isagoo iska caabbin hubeysan oo adag kala hortagay booliiska.

Warqad booliiska ka soo baxday ayaa lagu sheegay in Mr Atambayev - oo Kyrgyzstan madaxweyne ka soo noqday sanadihii 2011 ilaa 2017 lagu sameyn doono baaritaanno dheeraad ah.