Madaxda ugu sareysa dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay munaasabada Ciidul-Axdaa

0
Sunday August 11, 2019 - 10:28:21 in by salman abdi
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda ugu sareysa dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay munaasabada Ciidul-Axdaa

    Madaxda ugu sareysa dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay munaasabada Ciidul-Axdaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda ugu sareysa dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay munaasabada Ciidul-Axdaa

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta.

 

"Maalmahan barakaysan ee bisha Carrafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqoiyo wanaag oo idil”.

Madaxweynaha waxaa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay ka soo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Al-shabaab.

 

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa hambalyad ku aadan Ciidul-Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay shacabka in sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo.