Madaxweyne Waare oo fariin u diray shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle

0
Sunday August 11, 2019 - 10:28:21 in by salman abdi
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo fariin u diray shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle

    Madaxweyne Waare oo fariin u diray shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Waare oo fariin u diray shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle loogu hambalyeeyay munaasabada Ciidul Adxaa.

 

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay in ay is cafiyaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka dan-yarta ah iyo ubadkeena soo koraya.

 

‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo nabad-gelyo, Horumar, Wadajir,Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena‘’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

‘’ Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Hirshabeelle meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada mararka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi.

‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka, madax dhaqameedka, ganacsatada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta dowladnimada’’ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare Waxaa uu hambalyada Ciida Carrafo u diray guud ahaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwa Hirshabeelle, iyo ciidamada AMISOM ka howlgala Hirshabeelle gaar ahaan ciidamada Hiil Walaal ee Jibuuti iyo shacbiga walaalaha Jabuuti, isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo horumar.