Dadkii ku baaba'ay musiibadii Tanzania oo la aasay

0
Monday August 12, 2019 - 09:02:28 in by salman abdi
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii ku baaba'ay musiibadii Tanzania oo la aasay

    Dadkii ku baaba'ay musiibadii Tanzania oo la aasay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkii ku baaba'ay musiibadii Tanzania oo la aasay

Tanzania ayaa aastay dadkii ku dhintay booyad shidaal oo sabtidii dalkaas ku qaraxday.

Masuuliyiinta dalkaas ayaa sheegay in markii gaarigaasi uu qarxay ay dadka qaarkood isku dayayeen in ay dhurtaan shidaalkii saarnaa gaariga oo taagnaa waddada ugu weyn gobolka Morogoro, halkaas oo ay ku dhinteen 71.

Aaska ka hor, boqolaal ka mid ah qaraabada dadkii ay waxyeelladu soo gaartay ayaa booqday cisbitaalka si ay u aqoonsadaan dadkoodii halkaas ku dhintay, balse qaar badan ayaa gubtay oo la aqoonsan waayey.

Sidaas darteed, masuuliyiinta ayaa ballan qaaday in ay qaadayaan hidda sidaha DNA-da si dadkaas loo aqoonsado.

Shilkan ayaa ka mid ah musiibooyin is xig xigay oo ka dhacay guud ahaan qaaradda Afrika, madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaana dadka u ballan qaaday in uu joojin doono dadka naftooda khatarta u gelinaya shidaal dhurashada.

"Waxaa jira gawaari sida shidaal khatar ah, sida kiiska Morogoro oo kale, waxaa sidooo kale jira kuwa sida kiimiko iyo waxyaabo qarxi kara, fadlan aan joojinno habdhaqanka noocaan ah,"

Mr Magufuli ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroordiiq ah.

Dadkii aaska ka soo qayb galay.

Shilkan ayaa ka dhacay gobolka Morogoro oo qiyaastii 200 km Galbeedka uga beegan magaalada dekedda leh ee Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee dalkaas.

Magaalada Morogoro ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee la sii mariyo badeecooyinka ka soo dega dekadda.

"Dad badan ayaa halkaan ku dhintay, xataa kuwo aan xadayn shidaal waayo waa meel aad u mashquul badan," ayuu yidhi Daniel Ngogo, oo goob jooge ahaa.

Taliyaha booliiska gobolkaas Willbrod Mtafungwa ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen darawallo mooto dhug dhuglayda ku shaqaysta.

 
,

Sawirro la soo geliyey Online-ka ayaa muujinaya qiiq iyo holac cirka isku shareeray waxaana la arkay maydad halkaas daadsan.

Shalay oo Axad ahayd dadka ayaa u baroordiiqay dadkoodii oo kun jiray naxashyo la isugu keenay garoon kubadda cagta ah oo halkaas ku yaal. Qaar ka mid ah eheladii dadkaas dhintay ayaana qaatay maydadkoodii si ay gooni ugu aastaan.

,
Naxashyo

Warfidyeennada ayaa sheegaya in musiibooyin noocaan ah ay ku soo noqnoqdaan qaybo ka mid ah Afrika, halkaas oo dadka qaar ay bareeraan khatar aad u weyn si ay shidaal uga dhurtaan booyadaha iyo tuubooyinka.

Bishii horena ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay booyad ku qaraxday gobolka Waqooyiga Nigeria ku yaal ee Benue.