Waa in aan kulan gaar ah la yeeshaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

0
Thursday August 15, 2019 - 10:11:34 in by salman abdi
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa in aan kulan gaar ah la yeeshaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

    Waa in aan kulan gaar ah la yeeshaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa in aan kulan gaar ah la yeeshaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inuu la qaato kulan ay kaga hadlayaan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Hong Kong.

Qoraal uu barta Twitter-ka uu soo geliyay Trump, waxaa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay madaxweyne Xi marka ay timaaddo xal u helidda rabshaha sare u kacay kaddib markii ay dibadbaxyo ballaraan halkaas ka dhigeen dadweynaha reer Hong Kong ee dimuqraadiyadda u ololeynaya.

Waxaa uu yiri "Waxaan rumeysanahay in madaxweyne Xi uu xaaladda si deg deg ah u xallin doono iyadoo la ilaalinayo xuquuqda adaanaha".

Waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Xi Jinping uu yahay hoggaamiye wanaagsan oo ay si weyn dadkiisa u qaddariyaan.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump
 

I know President Xi of China very well. He is a great leader who very much has the respect of his people. He is also a good man in a "tough business.” I have ZERO doubt that if President Xi wants to quickly and humanely solve the Hong Kong problem, he can do it. Personal meeting?

 
38.4K people are talking about this
 
 
 

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump

Donald Trump ayaa waxaa uu ka codsaday dhiggiisa Shiinaha inay yeeshaan kulan gaar ah oo looga arrinsanayo dhibaatooyinka ka taagan Hong Kong.

Donald Trump oo Faransiiska u hanjabay

Trump oo lagu eedeeyay inuu cunsuriyeeyay xildhibaan Afrikaan Ameerikaan ah

Trump oo ka laabtay ninkii uu u xushay agaasimaha sirdoonka Maraykanka

Hadalka Madaxweyne Trump ayaa imaanaya, toddobaadyo uun kaddib markii dibadbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Hong Kong, waxaa ay rabshadahaas horseedeen in la hakiyo duulimaadyadii caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha Hong Kong.

Dowladda Shiinaha waxay si weyn u cambaareysay dadkii dibadbaxa dhigayay oo ay ku tilmaantay 'Dad argagixiso u dhaw".

Dhanka kale,la taliyaha madaxweynaha Mareykanka arrimaha ammaanka, John Bolton, waxaa uu uga baaqay Shiinaha in xaaladda uu si taxaddar leh uu ula tacaalo.

Waxaa uu sheegay in howlgalkii militari ee Shiinaha ee ka dhanka ahaa ardeydii bannaanbaxyada dhigeysay sannadkii 1989-kii ay aheyd "Khalad weyn".