Axmed Madoobe oo la shiray xildhibaannada cusub ee Jubbaland+Arimaha Uu Kala Hadlay
Axmed Madoobe oo la shiray xildhibaannada cusub ee Jubbaland+Arimaha Uu Kala Hadlay
Axmed Madoobe ayaa xildhibaannada cusub waxaa uu ka dabaday in ay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Iyadoo maaalinta berri ah lagu wado in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland,ayaa musharax Axmed Madoobe oo markii saddexaad u taagan xilkan waxaa uu xalay kulan la yeeshay xildhibaannada cusub ee Jubbaland.
Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo joogay guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo gaar ahaan diiradda saaray sidii ay nabad-galyo ugu dhici laheyd doorashada maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22ka bishan Augusto.
Maamulka Jubbaland ayaa xalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay Cirka, Dhulka iyo Badda,isla markaana aysan jirin cid soo geli karta Magaalada ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe oo la shiray xildhibaannada cusub ee Jubbaland+Arimaha Uu Kala Hadlay
Axmed Madoobe oo la shiray xildhibaannada cusub ee Jubbaland+Arimaha Uu Kala Hadlay