Gudoomiye baarlamaan oo ilmo yar dhabta ku haysta oo gudoomiyay kalfadhi

0
Thursday August 22, 2019 - 09:12:17 in by salman abdi
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye baarlamaan oo ilmo yar dhabta ku haysta oo gudoomiyay kalfadhi

    Gudoomiye baarlamaan oo ilmo yar dhabta ku haysta oo gudoomiyay kalfadhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye baarlamaan oo ilmo yar dhabta ku haysta oo gudoomiyay kalfadhi

Afhayeenka Baarlamanaka dalka New Zealand ayaa shir gudoomiyay dood dhex maraysay golaha aqalka wakiilada isaga oo dhabta ku haya wiil yar .

Afhayeenka ayaa la arkayay isaga oo cunuga dhabta ku haya islamarkana Masaasad cano ku siinaya.

Trevor Mallard ayaa bartiisa Tweeterka soo dhigay sawir muujinaya isaga oo Masaasad ku habaya wiil yar oo uu dhalay xildhibaan lagu magacaabo Tāmati Coffey, xili uu shir gudoominayay kal-fadhiga baarlamaanka .

Mr Coffey oo ah Xildhibaan ka tirsan Xisbiga shaqaalaha ayaa shaaciyay dhalashada wiilkiisa, Tūtānekai Smith-Coffey, bishii July.

Qoraal uu bartiisa Tweeterka soo dhigay Mr Coffey oo ku saabsanaa dhalashada cunugiisa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay ka badatay faraxda cunugooda yar.

Mr Coffey ayaa Arbacadii yimid kalfadhiga isaga oo wata cunugisa ka dib markii uu dhawaan ka soo laabtay fasaxa uu qaatay markii uu cunugiisa dhashay.

Intii lagu guda jiray dooda Baarlamaanka ayaa waxa uu afhayeenka Baarlamaanka Trevor MallardA uu isku hayay labada howl ee shir gudoominta iyo haynta cunuga.

Xildhibaan Gareth Hughes oo ka tirsan Xisbiga Green Party ayaa soo dhigay bartiisa Tweeterka Sawirka Mr Coffey oo kor u haya ilmaha yar Baarlamanaka dhexdiisa

Waxaana uu yiri "waa mid jaceyl muujinaysa in aad aqalka Baarlamanaka la dhex joogto ilmahaada yar Maxaa ka qurux badan . "

Isaga oo la hadlayay warbaahinta ayaa Mr Coffey waxuu sheegay in uu dareemay in saaxiibadiisa dhamaan aqalka wakiilada ay taageereen .

Mr Coffey waa Xildhibaankii ugu dambeeyay ee cunugiisa la yimaada aqalka Baarlmaanka isaga oo raacaya tusaalooyin ay horey u sameeyeen qaar ka mid ah siyaasiinta Caalamka.

Haweeneyda hogaamiyaha ka ah Liberal Democrats ee dalka Uk Jo Swinson,ayaa ka qayb gashay sanadkii 2018-kii dood iyada oo haysta ilmo yar oo ay dhashay,sidoo kale Larissa Waters oo ah sanatar ka tirsan aqalka sare ee dalka Australia ayaa sanadkii 2017-kii iyana baaralmanaka dhexdiisa Naaska ku jiqsiisay cunug yar oo ay dhashay .