Beesha Caalamka oo Qoraal wadajir ah ka soo saaray doorashada Jubbaland

0
Thursday August 22, 2019 - 09:12:17 in by salman abdi
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo Qoraal wadajir ah ka soo saaray doorashada Jubbaland

    Beesha Caalamka oo Qoraal wadajir ah ka soo saaray doorashada Jubbaland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamka oo Qoraal wadajir ah ka soo saaray doorashada Jubbaland

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururo sida Canada, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM,IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku baaqay in doorashada Jubbaland ay noqoto mid loo dhan yahay.

 

 

 

Beesha caalamka ayaa waxaa ay qoraalkan ku sheegeen in ay dhammaan dhinacyada quseysa Jubbaland ay ku dhiiri-gelinayaan in ay gaaraan heshiis mid ah oo ku saabsan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad ah iyo nabad ah

 

 

"Waxaan ka walaacsanahay Maqnaanshaha heshiiskaas in uu suura geliyo in ay kororto xasilooni darro iyo kala qeybsanaan reer Jubbaland.”ayaa lagu yiri qoraalka.

"Ka hor dhacdooyinka la qorsheeyay 22ka Agoosto 2019 oo maanta ku beegan, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado. waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

"Ammaanka iyo xasiloonida Jubbaland uma ahan oo kaliya muhiim Jubbaland balse waxa ay tahay mid suurtogelinaysa in horumar kale laga gaaro arrimaha Siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga dalka Soomaaliya.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa imanaya xili maanta Kismaayo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.