Kenya oo War ka soo saartay dib u doorashada markii saddexaad madaxweynaha Jubbaland
Dowladda Kenya ayaa War ay soo saartay waxaa ay ku bogaadisay dib u doorashada markii saddexaad madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] kaddib doorashadii shalay ka dhacday Kismaaayo.
Qoaralka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka loogu baaqayo in ay la shaqeyso dowlad Goboleedka Jubaland, islamarkaana wixii ka dhex-jira ee khilaaf ahna wadahadal lagu wada xaliyo laguna dhameeyo.
Kenya ayaa ka hor doorashada qoraal ay soo saartay waxaa ay uga digtay beesha caalamka in la fara-galiyo hannaanka doorashada loo waday, madaama wakiilada beesha caalamka marar badan oo hore ku cel celiyeen in la saxo qaladaadka jira si loo qabto doorasho la wada ogol yahay oo fursad siineysa dhamaan musharixiinta.
Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya :-
Kenya oo War ka soo saartay dib u doorashada markii saddexaad madaxweynaha Jubbaland
Kenya oo War ka soo saartay dib u doorashada markii saddexaad madaxweynaha Jubbaland