War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Hada Masuul Cusub U Magacabay Gudoomiyaha Banaadir.

0
Friday August 23, 2019 - 13:45:43 in by salman abdi
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Hada Masuul Cusub U Magacabay Gudoomiyaha Banaadir.

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Hada Masuul Cusub U Magacabay Gudoomiyaha Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Hada Masuul Cusub U Magacabay Gudoomiyaha Banaadir.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyaha cusubee gobolka Banaadir u magaacaabay, Cumar Maxamuud Maxamed oo horey uga mid ahaa qabqablayaashii dagaal iyo wasiir soo noqday.

Magacaabidda Cumar Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano "Filish” ayaa imaaneysaa xilli dhawaan uu dhawaacii kasoo qaraxii lala beegsaday xarunta gobolka Banaadir uu u geeriyooday duqii hore magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow).

Cumar Filish waxaa uu kamid ahaa dagaal oogayaashii ka arrimin jiray magaalada Muqdisho ilaa uu ka noqdo wasiirkii arrimaha diinta ee dowladdii kumeel gaarka aheyd sannadkii 2004-tii, waxaa uu xilka ka degay sannadkii 2009-kii


Raadiyaha dowladda oo soo xiganeyso madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Cumar Filish inuu yahay nin khibrad leh oo xilal kala duwan soo qabtay isla markaasna u qalmo inuu hoggaanka u qabta maamulka gobolka Banaadir