"Qarankani Waxa Uu Ku Dhisan Yahay Reero, Haddii Qaar Wax Tabanayaan Tabashadooda Hala Daweeyo" Guddoomiye Saleebaan

0
Friday August 23, 2019 - 14:08:06 in by salman abdi
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qarankani Waxa Uu Ku Dhisan Yahay Reero, Haddii Qaar Wax Tabanayaan Tabashadooda Hala Daweeyo" Guddoomiye Saleebaan

    "Qarankani Waxa Uu Ku Dhisan Yahay Reero, Haddii Qaar Wax Tabanayaan Tabashadooda Hala Daweeyo" Guddoomiye Saleebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qarankani Waxa Uu Ku Dhisan Yahay Reero, Haddii Qaar Wax Tabanayaan Tabashadooda Hala Daweeyo" Guddoomiye Saleebaan Guddoomiyaha golaha guuritda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo dhag raariciyo beelaha ka biyo diidsan saamiga golaha wakiilada ee cabashada ka muujiyay.

Waxa uu sida oo kale ku kaftamay in ay iska jelaysteen kuraasta golaha guuritda isla markaasna ay waayeen shacab ka kaca yidhaahda, guddoomiye Saleebaan ayaa sidan u sheegay tilifishanka Sahan oo waraysi ka qaaday, waxaanu arinta saamiga isaga oo ka hadlaaya uu yidhi” Beelahu haddii ay ka cabanayaan sida wax loo qaybsaday soo dhawaada, golayaal ayaynu leenahay ee golayaasha ha laga hawlgalo, golayaasha ha keeneen laakiin salaadiin,odayaal iyo cuqaal iyo warbaahintu inta badan waxa la gashadaa waxba ma dawayso, waxay aniga iigu muuqataa haddii waxla dawaynaayo golahan iyo madaxweynaha iyo dadka waxgaradkaa halaga hawlgalo golayaasha ha timaado haddii ay gar leeyihiina waa in gartooda la maqlaa, hadal ma laha, qarankani waxa uu ku dhisanyahay reero haddii qaar wax tabanayaan tabashadooda hala daweeyo.”

Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlaaya kuraasta ay ku raageen oo wax laga waydiiyay waxa uu yidhi" isbadal inuu marwalba jiro waa waajib qaran, golahaasi wakiiladuna waa shantii sanoba mar kana waa lixdii sanoba mar in la qabtaa waa waajib ina wada saaran waxaad hadda moodaa anaguna inaanu kuraasta iska sii jeclaysanay dadweynana aanu karkabad nagu ahayn ileen waa ay odhan lahaayeen waar kuraasta noo baneeyee, waxase ka horeeeya in shuruucdii lagu gali lahaa doorashooyinkan la dhamays tiro.”