Deg deg Xarumo Dawladeed Oo Laydhkii Laga Goostay Iyo Fashil Soo Food Saaray Qaar Ka Mida Wasaaradaha Somaliland

0
Saturday August 24, 2019 - 13:00:08 in by salman abdi
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg deg Xarumo Dawladeed Oo Laydhkii Laga Goostay Iyo Fashil Soo Food Saaray Qaar Ka Mida Wasaaradaha Somaliland

    Deg deg Xarumo Dawladeed Oo Laydhkii Laga Goostay Iyo Fashil Soo Food Saaray Qaar Ka Mida Wasaaradaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg deg Xarumo Dawladeed Oo Laydhkii Laga Goostay Iyo Fashil Soo Food Saaray Qaar Ka Mida Wasaaradaha Somaliland

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii laydhka laga goostay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay maamusho wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyadoo halkaasina uu socoto koobka dagmooyinka caasimadda Hargeysa.


Shirkadda Sompower oo laydhka ka goosatay ayaa ku andacoonaysa in lacag gaadhaysa 1600$ ay ku leedahay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa kaasi oo hoostaga wasaaradda uu wasiirka ka yahay Mire Boos oo ah wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.


Garoonkaasi oo uu hadda ka socdo tartanka dagmooyinka caasimadda Hargeysa ayaa markii la waayay gabi ahaanba wax laydha waxa la soo kiraystay mashiino lacag laga bixiyey si shaqada garoonku aanay u istaagin.






Dhinaca kale wasaraadda waxbarshada Somaliland ayaa wajahaysa fadeexadihii ugu xumaa kadib markii ay bishan dhammaadkiisii oo ay furmeen guud ahaan iskuulada dalku gaar ahaan kuwa ay maamusho xukuumaddu kadibna ay bilaabeen iskuulada dawladu in ay ardayda ka uruursadaan lacag bil ah oo ah xaaraan aan meel loogu soo gaban maadaama bishan inteeda badan ay ardaydu ku jirtay fasax.


Iskuulada ay maamusho wasaaraddu ayaa haatan noqday kuwo la mid ah kuwa ganacsiga loo furtay ee lacagaha badan dadka lagaga qaado iyadoo dugsiyada hoose ee dawladdu ku andacooto inay bilaashka ay yihiin aanay waxba ka jirin.