Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti

0
Monday August 26, 2019 - 08:20:59 in by salman abdi
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti

    Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya aya qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

 

 

Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed.

 

Mas'uuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan.

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga dalka Jabuuti, iyagoo saacadihii ugu danbeeyay halkaa kulamo kala duwan kula lahaa madaxda dalkaasi.