Madaxeynaha Somalia oo khudbo ka jeediyay shirka Geeska Afrika ee Madasha TICAD

0
Friday August 30, 2019 - 11:58:58 in by salman abdi
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxeynaha Somalia oo khudbo ka jeediyay shirka Geeska Afrika ee Madasha TICAD

    Madaxeynaha Somalia oo khudbo ka jeediyay shirka Geeska Afrika ee Madasha TICAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxeynaha Somalia oo khudbo ka jeediyay shirka Geeska Afrika ee Madasha TICAD

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika ee qaybta ka ah fadhiyada madasha Iskaashiga dalalka Afrika iyo Japan ee TICAD ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo midda maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika.

Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

"Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya,” ayuu Farmaajo ku yiri khudbaddiisa.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo kasoo qayb-galay shirka ku saabsanaa arrimaha geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Ugu dambeyn, Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, sidoo kalena waxaa goobjoog ka ahaa; Raiisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiyaha Midoowga Afrika Mussa Faqi, Xoghayaha QM Antonio Guterres iyo xubno kale.