Dibadbax looga soo horjeedo dowladda oo ka bilaawday magaalada Kismaayo

0
Saturday August 31, 2019 - 12:30:11 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbax looga soo horjeedo dowladda oo ka bilaawday magaalada Kismaayo

    Dibadbax looga soo horjeedo dowladda oo ka bilaawday magaalada Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbax looga soo horjeedo dowladda oo ka bilaawday magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland waxaa goor dhaw ka bilaawday dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo go'aankii ay dowladdu ka qaadatay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo.


Dibadbaxan ayaa looga soo horjeeda cunaqabataynta iyo xayiraadda diyaaradaha magaalada Kismaayo kaas oo ay dowladda Federaalka Soomalaiya ku soo rogtay deegaanada Jubbaland.

 

 

Boqolaal Shacab ah ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Kismaayo, kuwaa oo sita boorar ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Waxaa xayiran guud ahaan goobihii ganacsiga magaalada waxaana ay dadku ku qeylinayaan erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

 

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa xiriirkooda uu xuma, sidoo kale waxaa xiisad diblumaasiyadeed dowladda Soomaaliya ay kala dhaxeysa dalka Kenya oo ciidammada ugu badan ay ka joogaan magaalada Kismaayo.