Muqdisho:-Garoonka Aadan Cade Oo Lagu Xidhay Wasiirkii Amniga Jubboland Iyo Xiisada Muqdisho Iyo Kismaayo Oo Cirka Isku Sii Shareeraysa

0
Saturday August 31, 2019 - 18:11:47 in by salman abdi
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Garoonka Aadan Cade Oo Lagu Xidhay Wasiirkii Amniga Jubboland Iyo Xiisada Muqdisho Iyo Kismaayo Oo Cirka Isku Sii Shareeraysa

    Garoonka Aadan Cade Oo Lagu Xidhay Wasiirkii Amniga Jubboland Iyo Xiisada Muqdisho Iyo Kismaayo Oo Cirka Isku Sii Shareeraysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka Aadan Cade Oo Lagu Xidhay Wasiirkii Amniga Jubboland Iyo Xiisada Muqdisho Iyo Kismaayo Oo Cirka Isku Sii Shareeraysa

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa goor dhawayd xabsiga ku hubsatay wasiirkii amniga maamulka Jubboland Cabdirashiid Janan.


Wasiirka amniga jubboland ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isaga oo lagala dagay diyaarad ku soo degtay garoonka Aadan Cade oo ka timid magaalada Kismaayo.

Image result for garoonka aadan cade

 

Wasiirka amniga Jubboland oo ku socday wadanka Itoobiya ayaa laga reebay diyaaradii uu la socday iyada oo ciidamada amaanku ay ku xidheen garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.


Dawlada soomaaliya ayaan wali ka hadal sababta loo xidhay wasiirka amniga Jubboland oo ka mid ah xubnaha aad ugu dhaw madaxweyne Axmed Madoobe, balse waxa hore u jirtay eedaymo dusha loo saaray oo sheegayay inuu tacadi ka gaystay magaalada Doolow.


Ciidamada booliska soomaaliya ayaa hore u jaray waaran qabasho ah oo ka dhan ah wasiir Cabdirashiid Janan oo la sheegay in loo haystay dembiyo ka dhacay magaalada Doolow.


Makamada Gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkan soo saartay amar lagu burinayay waarankii horey loogu jaray Cabdirashiid Janan, waxaana xiligaa kadib Wasiirka amniga Jubbaland Muqdisho ku yimid safar qarsoodi ahaa iyadoona la xirin.


Qabashada Wasiirka amniga Jubbaland ayaa imaanaya xili dowlada federaalka Soomaaliya ku amartay diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imaanaya magaalada Kismaayo soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.