Muqdisho:-Raysal Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xildhibaano Mucaarid Ku Ah

0
Sunday September 01, 2019 - 16:49:12 in by salman abdi
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Raysal Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xildhibaano Mucaarid Ku Ah

    Raysal Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xildhibaano Mucaarid Ku Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

Raysal Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xildhibaano Mucaarid Ku Ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaannada mucaaradka ee ka soo jeeda deegaannada Galmudug.





 

 

 
 
Kulankan ayaa ka dambeeyay markii Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre uu isugu yeeray Siyaasiyiintan, si ay uga wada tashataan arrimaha geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

 

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen dhismaha dowlad goboleedka Galmudug loo dhan yahay, geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo maro dhismaha maamulkaas,sida uu sheegay in Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kulankaasi ka qeyb-galay.


 

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoggaaminayay dadaalada la doonayo in Maamul loo dhan yahay Galmudug,, waxaana socdaal qaatay muddo bil ah uu ku tagay deegaanada Galmudug.



 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo xildhibaannada ku heshiiyeen dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara howlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.