HargaysaKXukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eedaysay Qurba Jooga Gobolka Sanaag

0
Sunday September 01, 2019 - 17:04:32 in by salman abdi
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HargaysaKXukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eedaysay Qurba Jooga Gobolka Sanaag

    Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eedaysay Qurba Jooga Gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eedaysay Qurba Jooga Gobolka Sanaag

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland, Boos Mire Maxamed ayaa Qurbe-joogta Gobolka Sanaag ku eedeeyay inay Ummadda inteeda kale ka hadheen isla-markaana Bulshadooda ku nool Gobolka Sanaag qaarkood u soo diraan Lacago ay Cid kale ku dhibaateeyaan.


Wasiirka oo hadal ka jeediyey Magaalada Boorama ayaa sheegay in Horumar ka jiro Magaalada Boorama isla-markaana Qofka subaxdii ka soo shaqo taga Boorama uu Hargeysa ku imanayo muddo kooban, Jaamacadahana ka hano-qaadeen, laakiin taa beddelkeeda ay ka jirto Sanaag, maaddaama oo muddo dheer colaado ka jiraan. "Waad Aragteen Qurbe-joogta 24-ka Saacadood hadlaysa, boqol Dollar oo Jaamacad lagu dhiso sooma diraan, laakiin Boqol dollar oo cid lagu guubaabinayo ayay soo diraan..”



Wasiir Boos Mire oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan halkan aad iyo aad ugala hadlayaa dhallinyarada leh waxbaanu baranay ee jooga Sanaag ee Maalin walba agtooda la isku dilayo oo garan waayay dadkiina kala qabta, iyaga laftooduna marmar soo fadhiista Warbaahinta, iyagoo dagaal ka sheekayanaya, waxaan leeyahay ku dayda reer Boorama oo sidaa horumar uga sheekeeya..”