Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Marka

0
Friday September 13, 2019 - 11:41:01 in by salman abdi
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Marka

    Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Marka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa la filayaa in maalinta Berrito oo Sabti ah in uu tago Magalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

 

Magaalada Marka waxaa ka soconaya diyaar-garoowga soo dhaweyta Ra'iisal Wasaaraha,waxaana lagu arkayaa Goobaha qaar Boorar uu ku dheggan sawirka Ra'iisul Wasaaraha oo goobaha qaar la suray,halka wadooyinka qaarkood lagu dhejiyay Calanka Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed.

 

 

Ammaanka magaalada Marka ayaa aad loo adkeeyay,waxana amniga xaqiijinaya Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Guutada 14-ka October, kuwaas oo gacanta ku haaya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa toddobadkan waxaa uu ku sugan yahay deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, sida magaalada Baydhabo iyo degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo uu booqday.