Gorgor Caruur Ku Cunay Gaashaamo Oo La Dilay

0
Saturday September 14, 2019 - 11:56:40 in by salman abdi
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gorgor Caruur Ku Cunay Gaashaamo Oo La Dilay

    Gorgor Caruur Ku Cunay Gaashaamo Oo La Dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gorgor Caruur Ku Cunay Gaashaamo Oo La Dilay Gorgorkan ayaa halis ku hayay dadka deegaankaasi,waxaana uu qabsaday baraha bulshada

Wararka KaImanaya Magaaladda Gaashaamo ayaa sheegaya in dadka deegaankaasi ay dileen gorgor dhawr caruur ah ku cunay Magaaladaasi iyo deegaanadda Hoos Yimaada Qaarkood.


Gorgorkan ayaa waxa uu weerarku soo qaaday dhawrkii maalmood ugu danbeeyay caruurta degan deegaanada hoos yimaada Gaashaamo, waxaana dhaawaca qaar ka mid ah la soo gaadhsiiyay Cusbitaalka ku yaala Magaalada Burco, halka shalayna uu qof kale cunay.


Xukuumadda Deegaankaasi oo kaashanaysa shacabka magaaladaasi kudhaqan ayaa u hawl galay sidii ay qudha uga jari lahaayeen gorgorkaasi,waxaanay ku guulaysteen saaka in ay dilaan.


Baraha ay bulshaddu ku kulanto ayaa lagu baahinayaa sawiradda gorgorkaasi dad cunka ah.