Caalamka:-Khilaaf Hadheeyay Kala Fadhiga Golaha Hoose Ee Baarlamaanka Garissa

0
Thursday September 19, 2019 - 12:58:59 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Khilaaf Hadheeyay Kala Fadhiga Golaha Hoose Ee Baarlamaanka Garissa

    Muran gacan ka hadal dhaliyay ayaa dhexmaray wakiilada golaha deegaanka ee ismaamulka goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muran gacan ka hadal dhaliyay ayaa dhexmaray wakiilada golaha deegaanka ee ismaamulka goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qilaafkan ayaa yimid kadib markii xubno ka mid ah golaha deegaanka ay todobaadkii hore ay kulan kula qaateen magaalada caasimada ah ee Nairobi hogaamiyaha mucaaradka Kenya Mr Raila Odinga sida ay qortay universaltvsomali.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo horjeestay xildhibaanka bartamaha Garissa Aden Barre Ducaale waxaana uu tilmaamay in mas,uuliyiin xasaanad haya in ay taageero weydiistaan shaqsi mucaarad ah ay sharaf dhac ku tahay dadkii soo Doortay.


Hadalkaan ayaa waxaa ka carooday wakiilada golaha deegaanka Garissa waxaana ay sheegeen in mr Ducaale uu si aan mas,uuliyadi ku jirin uu u Hadlay.


Ciidanka amniga ee ilaalada ka ah goobta ayaa diiday in warbaahinta ay gudaha u gasho si loo ogaado Xaalada.


Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa maanta dhalisay in baarlamaanka hoose ee Garissa ay u kala jabaan laba dhinac iyadoo ilaa amar danbe uu afhayeenka baarlamaanka Garissa Mr Axmed Cabaas uu ku dhawaaqay in uu xiran yahay kuladamada Baarlamaanka