Dowladda Soomaliya iyo Beesha caalamka oo kordhinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

0
Friday September 20, 2019 - 11:43:58 in by salman abdi
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaliya iyo Beesha caalamka oo kordhinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

    Dowladda Soomaliya iyo Beesha caalamka oo kordhinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaliya iyo Beesha caalamka oo kordhinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soconayo qorsho ku aadan sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, islamarkaana wadatashiyo lagala yeelanayo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

 

 

 

Warkan ayaa ka soo baxay kulan uu magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre, madax ka tirsan maamul goboleedyada iyo xubno ka socda Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya Arrimaha Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii xubnaha Beesha Caalamka ay taageero weyn u siin lahaayeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in madax uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Wakiilada Beesha Caalamka ay isla garteen in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana howlgallo laga sameeyo deegaannada ay ku sugan yihiin.

Inkastoo dowladda federaalka dagaal xoogan kula jirto Al-shabaab haddana marka aad dhinaca kale eegto xoogagga Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, gaar ahaan deegaannada Labada Shabeelle oo toddobaadkii tagay ay ku dileen ilaa 12 askari oo ka tirsan AMISOM.