Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed maalinta Nabadda awgeed

0
Saturday September 21, 2019 - 13:03:28 in by salman abdi
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed maalinta Nabadda awgeed

    Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed maalinta Nabadda awgeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed maalinta Nabadda awgeed

Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ku dhiirigeliyay dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan Nabad ku soo Dabaalidda Soomaaliya.

 

 

 

War Saxaafadeedkan oo lagu soo beegay maalinta Nabadda ayaa u dhignaa sidan :-

 

 

Iyadoo adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda.

"Dadka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer u soo joogeen.

Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha.

Nabad waarta waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

"Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa aasaasay maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981.

Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhan-yahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [Munaasabado] Waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.