"Reer Somaliland Way Ku Mahadsan Yihiin Siday Uga Dhiidhiyeen Cadaalad Darada Iyo Bah Dilka Lagu Hayo Qareenada Difaaca Iyo Difacayaasha Xuquuqul Insaankaba". Qareen.

0
Saturday September 21, 2019 - 13:10:14 in by salman abdi
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Reer Somaliland Way Ku Mahadsan Yihiin Siday Uga Dhiidhiyeen Cadaalad Darada Iyo Bah Dilka Lagu Hayo Qareenada Difaaca Iyo Difacayaasha Xuquuqul Insaankaba". Qareen.

    "Reer Somaliland Way Ku Mahadsan Yihiin Siday Uga Dhiidhiyeen Cadaalad Darada Iyo Bah Dilka Lagu Hayo Qareenada Difaaca Iyo Difacayaasha Xuquuqul Insaankaba". Qareen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Reer Somaliland Way Ku Mahadsan Yihiin Siday Uga Dhiidhiyeen Cadaalad Darada Iyo Bah Dilka Lagu Hayo Qareenada Difaaca Iyo Difacayaasha Xuquuqul Insaankaba". Qareen.

Subax kasta waxaan u soo kalihi jiray inaan qof ama ka badan caawiyo aan Metalo ama talo siiyo kiisaskan galay boqolkiiba boqol faaido kama helin waxa iiga marag ah inta qof ee aad taqanaan ee aan u dooday,sadaqada waxa ugu wanaagsan ta aqoonta laga bixiyo waayo lacag aan sadaqo ka bixiyo ma haysto .
Reer Somaliland way mahadsan yihiin niyad wanaaga ay i muujiyeen iyo siday uga dhiidhiyeen cadaalad darada iyo bah dilka lagu hayo qareenada difaaca iyo difacayaasha xuquuqul insaankaba.

Dad badani waxay i Soo jeediyeen inaan deg degay anigoo idinku ixtiraamaya Soo jeedintiina waan aaminsanahay inaan la is dhiibin oo la bedalo Qaab darada sharci ee wadanka ka jirta ,balse waxa jira xilli ay fidno jirto oo ay tahay inaad lafahaaga uga gabato dakharada socda.

Ma necbi dawlada shaqadydana uma joojin inaan cid ku xumaynayo ama cid ku kasbanayo balse waxan u joojiyay mar hadii aan waxba la iska maqlayn oo doodi iyo is qancintii laga tegay la isku awood sheeganayo waa inaad iska nasata adigoon cidna dhibin,Somaliland baan ku dhashay ku koray waxna ku bartay waligayna waan ku hoos noolan doona calankayga. Barlamaanka lagama doodo oo xildhibaanada waa lagu dhex xidhay iyagoo doodaya.

 

Maxakamadahana waxa lagugu khasbaya inaad Hore u dhamayso hadalka ama dooda waana lagu dhibsanaya intaad hadlayso.

 

Waxa jira dareeno badan oo aan shacabku ogaan karin oon ku shaqaynayay mudaba waxa ugu weyn ee i sameeyay maaha dacwad qudha balse damiirka I joojiyay waan damqaday intaas In ka badan intay wax hagagayaan xirfadani maaha mid lagu shaqayn karo dhacdo aad I taabayay baa jirtay oon ka gami waayay taasana ugu weyn waxyaabaha kalifay inaan ka haajiro xirfadaydii.

14 sep 2019 ayaan ku Soo kalahay Hoolka dacwadaha maxakamada gobolka maroodi jeex waxaan u immi laba caruur inamo ah oo aan Qareen u ahaa bil bay xidhnayeen waxan arkay iyagoo 12 qof ah oo hal sil silad gacmaha kaga wada xidhan kabo la,a . Oo xataa aan suuliga loo oggolaan markan soo dul istaagay ibraahin Yare oo 14 jir aahbaan

W/Q.GaryaqaanMubaarik Cabdi