Maareeyaha Hay'adda Duulista Hawadda'' Ma jirto xiyaarad dheeraad ah oo lagu soo rogay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo

0
Wednesday September 25, 2019 - 14:01:24 in by salman abdi
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Hay'adda Duulista Hawadda'' Ma jirto xiyaarad dheeraad ah oo lagu soo rogay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo

    Maareeyaha Hay'adda Duulista Hawadda'' Ma jirto xiyaarad dheeraad ah oo lagu soo rogay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Hay'adda Duulista Hawadda'' Ma jirto xiyaarad dheeraad ah oo lagu soo rogay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo

Maareeyaha hay'adda Duulista Hawadda Soomaaliya Axmed Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliya oo sheegayay in muddo saddex cisho ah la xayiray duulimaad-yadii tagi jiray magaalada Kismaayo.

 

 

 

Maareeye Axmed Macalin ayaa sheegay in kaliya Shirkaddaha Diyaaradaha la faray in duulimaadkooda Kismaayo ay Hay’adda ku soo wargeliyaan 24 Saacadood ka hor,isla markaana Sharcigaas uu yahay mid Aduunka oo dhan looga dhaqmo.

 

Wuxuu sheegay in gabi ahaanba aysan jirin xayiraad saaran duulimaayada taga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ,halkaas oo uu gacanta ku haayo Maamulka Juubbaland oo xilligaan uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan hay'adda Duulista Rayidka ayaa maalintii shalay u sheegay Hiiraan Onlinein warka ku saabsan xayiraad muddo saddex cisho ah oo lagu soo rogay duulimaadyada Kismaayo uu yahay mid been abuur ah oo aan la ogeyn halka laga soo xigtay, islamarkaana diyaaraduhu aadi karaan magaalada Kismayo sida ku cad qoraalka ay duuliyayaasha isku fahmaan ee loo yaqaano NOTAM (Notices to Airman) kaas sheegay in ay dayuuradaha u duuliya magaalada Kismayo soo codsadaan 24 saac ka hor duulimaadkooda.

 

Warkaan ka soo yeeray Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa imanaya xili siweyn loo hadal hayay warar ku saabsn in dowladdu joojisay muddo sadex cisho ah duulimaadyadii tagayay magaalada Kismaayo.