Garoowe:-'' Hawada Soomaaliya ma'aha Dukaan uu Qof leeyahay"Madaxweyne Dani.

0
Thursday September 26, 2019 - 15:55:24 in by salman abdi
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoowe:-'' Hawada Soomaaliya ma'aha Dukaan uu Qof leeyahay"Madaxweyne Dani.

    Garoowe:-'' Hawada Soomaaliya ma'aha Dukaan uu Qof leeyahay"Madaxweyne Dani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe:-'' Hawada Soomaaliya ma'aha Dukaan uu Qof leeyahay"Madaxweyne Dani.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka mid ah madaxda lagu martiqaaaday ka qeybgalka caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag uga hadlay xayiraada la saaray duulimadyadii tagayay magaalada Kismaayo.

 

 

Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay Idaacada VOA ayaa sheegay in uu ka xun yahay wax uu ku tilmaamay xadgudubka sharci ee dhacay iyo ku tumashada Dastuurka, isaga oo sharci darro ku tilmaamay xannibaada lagu soo rogay duulimaadyadii Kismaayo.

 

 

" Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, qof ra’yi siyaasadeed wuu qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada ayaa u arkaa ”ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu ka mid yahay martida lagu casuumay ka qeybgalka caleemo saarka islamarkaana isaga iyo maamulkiisaba diyaar u yihiin in ay tagaan Kismaayo.

Madaxda dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiin doonayay in ay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqyadii duulimaadka Kismaayo ee la xaddiday, inkastoo Jubbaland laftirkeedu dib u dhigtay xaflada caleemo saarka oo la filyay in ay maanta dhacdo.