Caalam:Muxuu yahay hubka u qarsoon Shiinaha ee uu doonayo in uu bannaanka soo dhigo?
Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay inay soo bandhigi doonta hub badan oo lagu farsameeyay gudaha dalkaas.
Muxuu haddaba yahay hubka uu Shiinaha doonayo in uu soo bandhigo, maxayse tahay sababta milateriga Shiinaha uu u yahay kan labaad ee ugu kharashka badan caalamka?
Maalintan la qorsheeyay maxay ka dhigan tahay?
Gaarda ka ciyaarka milateriga oo qeyb ka ah debaaldagga ayaa la sheegay inay ka dhici doonta fagaaraha Tiananmen Square, halkaas oo ay iman doonaan saraakiil sare oo katirsan dowladda iyo 188 sarkaal oo ah kuwa sirdoonka u qaabilsan safaaradaha caalamka ee ku yaalla Shiinaha, kuwaas oo ka kala socda 97 dal.
Afhayeen dhawaan u hadlay wasaaradda gaashaandhiga ee dalkaas ayaa sheegay in ujeedka Shiinaha uusan ahayn mid ay ku muujinayaan cududda milateri, balse ay tahay mid diiradda lagu saarayo nabadda, hasayeeshee dhoolatuska milateri ayaa u muuqda mid dad badan ay la dhaci doonaan, kuwa kale oo Shiinaha uu kala dhaxeeyo xifaaltanna ay ka argagaxi doonaan.
Wasaaradda gaashaandhiga ee dalkaas ayaa sheegtay in 15 kun oo askari oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee milateriga, 580 baabuurta ciidanka iyo 160 diyaaradaha dagaalka ay ka qeyb qaadan doonaan dhoolatuska.
Maaxweynaha dalkaas, Xi Jinping ayaa salaan sharaf ka qaadan doono ciidanka, lugna ku mari doonaa barxadda Tiananmen.
Waa markii ugu horreesay oo ay dhoolatuska ka qeyb qaadan doonaan 8 kun oo ciidanka Shiinaha, kuwaas oo heegan ugu jira ciidanka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.
Hub noocee ah ayaa la soo bandhigi doonaa?
Muxuu yahay hubka u qarsoon Shiinaha ee uu doonayo in uu bannaanka soo dhigo?
Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka oo ka hadlay tijaabadii hubka Kuuriyada Waqooyi
Ciidanka Shiinaha oo la sheego in uu kamid yahay kuwa ugu awoodda badan caalamka ayaa aad looga dhowrsugayaa hubka ay shegeen inay soo bandhigi doonaan, kuwaa haatan ba lagu hawlgeli karo.
Wasaaradda gaashanadhiga oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in gantaalo, baabuur dagaal oo aan horay loo arag ay soo bandhigi doonaan, waxaana sidoo kale ay shegeen inay soo bandhigi doonaan:
- Noocii ugu dambeeyay ee gantaallada ballistigada ee isaga kala goosha qaarada adduunka, kuwaas oo lagu weerari karo halkii la doono. Khubarada Shiinaha waxay shegeen in hubkaas lagu weerari karo meel walba oo caalamka ah, kaa oo la soo bandhigi doonaa isagoo ay ku rakiban yihiin 10 madax oo ah kuwa wax lagu weeraro.
- Gantaal kale oo la yiraahdo DF-17 oo xawaarihiisu aad u dheereeyo, xambaari karana nooc kamid ah hubka hypersonic glide la yirahdo, kaas oo lamid ah hubka ay horay usoo saartay Ruushka ee Avangard. Gantaalkan ayaa Shiinuhu wuxu sheegay in uu iska caabin karo gantalaada difaaca cirka.
- Nooc cusub oo gantaalo ah, kuwaas oo lagu burburin karo maraakiibta, gujiska badda iyo gantalaada ridada dheer.
- Laba nooc oo cusub oo diyaaradaha dagaalka, oo mid kamid ah ay tahay diyaaradaha dunida ku cusub ee gafuurka dheer ee loo yaqaano supersonic, sidoo kalena lagu basaasi karo, laguna bartilmaameedsan karo nooc kamid ah diyaardaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano DR-8.
- Markab xambaara diyaaradaha miigta ee Y-20 loo yaqaano. Diyaaradahan oo ah nooc dunida ku cusub ayaa waxay awood u leeyihiin inay basaasaan kuwa weerarka kusoo ah
- Diyaarad kale oo la yirahdo H6-N, taa oo awood u leh inay hawada sare shidaal ku siiso diyaaradaha kale eedagaalka ku jira, sidoo kalena xambaari karta gantaalada ballistiga.
Shiinaha waxaa kale oo uu sheegay in dhoolatuskaas milateri ay kusoo bandhigi doonaan hub casri ah oo ay ku alifeen gudaha dalkaas.
Imisuu Shiinaha ku bixiyaa militeriga dalkaas?
Daraasad la sameeyay oo muujineysa in Shiinaha uu dhoofiya hub casri ah
Dalka Shiinah oo kamid ah dalalka ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan caalamka ayaa sanadihii dambe kordhiyay kharashka uu ku bixiyo gaashaandhigga.
Kordhinta kharashka Shiinaha uu ku bixiyo difaacda dalkaas waxay ahayd mid ka yaabisay dalal badan, waxaana ay korodhay tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xi, xiligaas oo uu ku baaqay dib u habeyn ballaaran.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, kharashka ku baxa difaaca dalkaas ayaa kordhay boqolkiiba 10 sand walba, waxaana haatan milateriga dalkaas ku baxa lacag dhan 168 bilyan oo doolar.
Mareykanka ayaa ah dalka ugu badan caalamka ee kharashka ugu badan ku bixiya difaaca oo waxaa uu lacag dhan 643 bilyan oo doolar uu ku bixiyaa difaaca, waxaana kusoo xiga sacuudiga oo 83 bilyan oo doolar ku bixiya.
Dalka Shiinaha ayaa sidoo kale ah dal ugu badan ee maalgelinta ku sameeya agabka iyo hubka ciidanka ee qaaradda Aasiya, kuwaas oo uu Shiinaha u dhoofiyo dalalka kale ee caalamka.
Shiinaha ayaa marwalba sheega in uu dhisayo awood milateri oo la jaanqaadi karta dalalka ugu tunka weyn caalamka ee Mareykanka, Ruushka, Fransiiska iyo Ingiriiska.
Caalam:Muxuu yahay hubka u qarsoon Shiinaha ee uu doonayo in uu bannaanka soo dhigo?
Caalam:Muxuu yahay hubka u qarsoon Shiinaha ee uu doonayo in uu bannaanka soo dhigo?