Dawladda Sucuudiga Oo Diiday Inay Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoonto Safiir Uu Farmaajo U Magacaabay

0
Monday September 30, 2019 - 10:29:52 in by salman abdi
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sucuudiga Oo Diiday Inay Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoonto Safiir Uu Farmaajo U Magacaabay

    Dawladda Sucuudiga Oo Diiday Inay Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoonto Safiir Uu Farmaajo U Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Sucuudiga Oo Diiday Inay Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoonto Safiir Uu Farmaajo U Magacaabay

Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka diiday safiir uu u magacaabay inuu u fadhiyo Sucuudiga Mr. Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

Warbaahinta Muqdisho ayaa baahisay in diidmada Sucuudigu la xidhiidho tuhun ay ka qabto in safiirkani xidhiidh wada shaqayneed la leeyahay dalka Qatar oo ay xiisadi ka dhaxayso Sucuudiga.

Sharciga Geneva ee Diblomaasiyada ayaa dhigaya in saddex bilood gudahood safiirka aan laga guddoomin waraaqihiisa aqoonsigu ay ka dhigantahay in la diiday.

Farmaajo ayaa safiirkan wuxuu magacaabay 29 May, isagoo ahaa wasiirkul dawlihii diinta iyo awqaafta, waxaanay Soomaaliya waraaqihiisa aqoonsiga gudbisay 15 June, waxaanay saddexda bilood ee xeerka Geneva dhigayaa ay ku eekayd 15 September, waxaana muuqata in Sucuudigu hoos u dhigay safiirkan ay Soomaaliya magacowday.

Warbaahinta Muqdisho waxay diidmada Sucuudiga ku sababaysay xidhiidh uu safiirkani la leeyahay dalka Qatar.