Faah faahin ku saabsan shir heer caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

0
Tuesday October 01, 2019 - 11:31:09 in by salman abdi
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin ku saabsan shir heer caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

    Faah faahin ku saabsan shir heer caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ku saabsan shir heer caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo noqonaya markii ugu horeysay oo gudaha dalka Soomaaliya lagu qabto.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta daah furi doona Shirkan (SBF) oo socon doona muddo laba maalin ah.

 

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in shirkan mudada Labada cisho ah looga hadlo doono qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, horumarinta dalka Soomaaliya gaar ahaan,Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Siyaasadda iyo Cadaaladda.

Maalinta Labaad ee Shirka ugu danbeysa ayaa la filayaa in a yku biiraan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyaga oo halkaasi khudbado ka jeedin doonaan.

Waxaa sidoo kale shirka qeyb ka noqon doona madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada oo lagu marti-qaaday kuwaa oo qaarkood hadda ku sugan magaalada Muqdisho

Ammaanka Guud ee Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo wadooyinka qaar la xiray,waxaana shirkan  ugu danbeyntii laga soo saari doonaa War-murtioyeed sidoo kale qaar kamid ah Madaxda wadamada kasoo qeyb-galay ay balan qaad u sameyn doonaan Soomaaliya.