Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

0
Wednesday October 02, 2019 - 11:03:36 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

    Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda gobolleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Dowladda ingiriiska Ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

 

 

Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha ay wada qaateen ayaa waxaa ku wehlinayay u qeybsamaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK ee Africa haweyneyda lagu magacaabo Harriet Mathews, waxaana kulanka oo ahaa mid waqti badan qaatay diirada lagu saaray sidii Hirshabeelle looga gacansiin lahaa dhinac-yada horumarinta iyo ammaanka iyo sidii loo casriyeyn lahaa dhismaha ciidanka Booliiska Hirshabeelle Dowladda Ingiriiskana ay uga sameysan laheyd Hirshabelele xero ciidanka lagu tababarayo.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda gobolleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira sidii Hirshabeelle looga fulin lahaa mashaariicyada Swdeden oo ay fuliyaan hey'adaha Qarramada Midoobay sida barnaamijyad caafimaadka, horumarinta haweenka, Horumarinta Ganacsiga, iyo shaqo abuurka Dhalinyarada.

Kulanka Madaxweyne Waare iyo safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander ayaa waxa ku wehlinayay, U qeysamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Africa Ola Karlman, waxaana arrimihii laga wada hadlay uu safiirka balan-qaaday in ay fulinayaan dhawaana uu booqasho ku tagi doono deegaannada HIrshabeelle si loo kordhiyo mashaariicyada lagu caawinayo.