Dagaal hub looga furtay Al-shabaab oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan
Maleeshiyaad abaabulan oo la baxay Macwiisley ayaa weerar ku qaaday subaxnimadii hore ee saakay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.
Horjoogaha Kooxda Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Istakiin ayaa sheegay in weerarkii saakay ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna kaga dileen illaa shan ruux, halka ay Hub kala ku qabsadeen.
Waxaa uu sheegay in labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay ku qabsadeen, kaasoo uu saarnaa qoriga loo yaqaano Dhashiikaha.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada Kooxdan ka tirsan Macawiisleyda ee saakay weerarka ku qaaday deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.
Macwiisley ayaa ah maleeshiyaad is abaabulay ka soo tirsan bulshada ku dhaqan deegaannada Miyiga, kuwaasoo sheegay inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ay kala kulmaan Al-Shabaab, sida in si xoog ah looga qaado Xoolaha ay dhaqdaan oo ay Al-Shabaab uga qaadaan qaabka loo yaqaano Zakawaatka.
Dagaal hub looga furtay Al-shabaab oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan
Dagaal hub looga furtay Al-shabaab oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan