" Faalku Ima Qabto Oo Waligay Wayso La'aan Kumaan Bixin"

0
Thursday October 03, 2019 - 10:22:22 in by salman abdi
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Faalku Ima Qabto Oo Waligay Wayso La'aan Kumaan Bixin"

    " Faalku Ima Qabto Oo Waligay Wayso La'aan Kumaan Bixin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Faalku Ima Qabto Oo Waligay Wayso La'aan Kumaan Bixin"

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Wareebe ayaa dhalinyarada Somaliland ugu mahadnaqay inay qaranka la difaacayaan, waxaanu sheegay in uu sheegay run ku saabsan dalka Jabuuti.

Guddoomiye Faysal Cali Wareebe ayaa sidan ka sheegay xaflad qalin jabin ah oo uu Hargeysa kaga qaybgalay, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi " Waxaan jeclahay inaan hanbalyeeyo dhalinyarada shacbiga reer Somaliland oo doraad oo aan dawladan aan jaarka nahay aan yara taabtay oo runta yara sheegay aad iigu hiiliyay, marka hore difaaca qaranka waan ku kaliyaystay ayaan odhan jiraye waxaan helay mujtamac badan oo ii hiiliyay, waxa dhexdeena ah waa inaan hoos u dhignaa oo difaaca qaranka ku midownaa. " Guddoomiye Faysal ayaa si kooban u sheegay in aanu salaad la’aan bixin” Falku ima qabto oo waligay wayso la’aan kumaan bixin.”