Shil sababay dhimashada 13 ruux oo ka dhacay dalka Kenya
Shil sababay dhimashada 13 ruux oo ka dhacay dalka Kenya
Inta la xaqiijinayo 13 ruux ayaa ku dhimatay 38 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay dalka Kenya.
Shilkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa ka dhashay kaddib
markii sku dhaceen Gaari Bas ah iyo Baabuur xamuul ah oo marayay inta u dhaxaysa degaanka Pala oo ka tirsan ismaamulka Kisumu iyo magaalada Kericho ee dalka Kenya.
Dadka ku dhintay shilka waxaa ku jira labadii darwal ee waday labada gaari ee isku dhacay, sida uu Jariiradda Daily Nation u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ismaamulka Kisumu, Benson Maweu.
Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa la dhigay Ispitaallada Ismaamulka Kisumu , iyadoo qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya.
Shil sababay dhimashada 13 ruux oo ka dhacay dalka Kenya
Shil sababay dhimashada 13 ruux oo ka dhacay dalka Kenya