Somaliland iyo Austria oo soo Bandhigay Nooca Cilaaqaad ee ay Yeelan Karaan Labada Dal

0
Friday October 04, 2019 - 11:29:13 in by salman abdi
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Austria oo soo Bandhigay Nooca Cilaaqaad ee ay Yeelan Karaan Labada Dal

    Somaliland iyo Austria oo soo Bandhigay Nooca Cilaaqaad ee ay Yeelan Karaan Labada Dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Austria oo soo Bandhigay Nooca Cilaaqaad ee ay Yeelan Karaan Labada Dal

Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Austria ayaa doonaya inay yeeshaaniskaashi lagu horumarinayo ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha labada dal.

Waxana sidaas daabacay Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa Uganda oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaanu warsiduhuwariyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka doonayso dalka Austria inay ka taageerto adeegyadaWaxbarashada iyo Caafimaadka.

Wakiillo ka socda dalalka . Jamhuuriyadda Somaliland iyo Austria ayaa toddobaadkan ku kulmay magaalada Nairobi, waxaanay ka wada hadleen masuuliyiinta labada dhinac sidii ay ay u yeelan lahaayeeniskaashi faa’iido u ah labada waddan.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar, oo uu weheliyey ku-xigeenkiisa Sharmaarke Geelle, ayaa la kulmay Safiirka Austria u fadhiya Kenya Christian Fellner, waxaanay labada diblomaasi wadajir u falanqeeyeen arrimmo la xidhiidha Arrimaha Geeska Afrika, oo Somaliland ay door weyn ku leedahay arrimaha marin biyoodka.

Safiirka Austria u fadhiya Kenya Christian Fellner,ayaa sheegay inay Somaliland ka caawin doonaan arriimaha horumarinta.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa caddeeyey inay safiirka Austria ka wada hadleen sidii ay Jamhuuriyadda Somaliland uga gacan qaban lahaayeenarrimaha horumarinta, waxaanu tilmaamay inay Austria ka saacidi doonto Somaliland adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

 

Kulankaas waxa Safiirka Austria ku welinayey qunsulkooda Nairobi Michael Kassal, iyo Edith Predorf oo ah qunsulka Austria u qaabilsan arrimaha Ganacsiga. Austria ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee daneeya dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxa soo turjumay Cumar Maxamed Faarax