Madaxweyne Xiisada Ka Taagan Deegaanka Saylac Saddex Wasiir Oo Aad U Soo Dirtaa Waxba Kama Qaban Karaan

0
Sunday October 06, 2019 - 12:06:34 in by salman abdi
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xiisada Ka Taagan Deegaanka Saylac Saddex Wasiir Oo Aad U Soo Dirtaa Waxba Kama Qaban Karaan

    Madaxweyne Xiisada Ka Taagan Deegaanka Saylac Saddex Wasiir Oo Aad U Soo Dirtaa Waxba Kama Qaban Karaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xiisada Ka Taagan Deegaanka Saylac Saddex Wasiir Oo Aad U Soo Dirtaa Waxba Kama Qaban Karaan "Madaxweyne Xiisada Ka Taagan Deegaanka Saylac Saddex Wasiir Oo Aad U Soo Dirtaa Waxba Kama Qaban Karaan"

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xiisada ka taagan Deegaanka Saylac, waxaanu sheegay in aan Madaxweynaha looga baahnayn inuu xalka xiisadan u diro Wasiiro, balse looga fadhiyo inuu u diro Xeer-beegti, Guurti iyo Madax-dhaqameed.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ku baaqay in la dhammeeyo oo wax laga qabto dhibaatooyinka tabasho ee jira, waxaanu ugu horAyn yidhi "Xiisada ka taagan Deeganka Saylac, ee keentay inay is qabtaan laba reer oo walaalo ah, oo waliba xiisadooda iyo waxay isku hayaan ay sababtay inay dhimasho timaado, maaha arin la fududaysan karo, mana ah arin sahlan, ee waa arin loo baahan yahay in si xeer-beegti iyo guurtinimo ku dheehan tahay loo galo, loona dhammeeyo waxay isku hayaan labada reer, laakiin Madaxweynuhu wuxuu u soo diray saddex wasiiro, oo ka tirsan Xukuumaddiisa, kuwaas oo kala ah Wasiirka Caafimaadka oo dhalinyaro ah, Wasiirka Gaashandhiga oo dhalinyaro ah, iyo Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore, arintana maaha arin ay Wasiiro wax ka qaban karaan, ee Madaxweyne xiisada ka taagan Deegaanka Saylac saddex Wasiir oo aad u soo dirtaa waxba kama qaban karaan, ee xeer-beegti, guurti iyo odayaal baa wax ka qaban kara, oo ay hawshoodii tahay, arintan maanta wax waa laga qaban karaa, laakiin haddii sidaas loo daawado, oo cidii shaqadan lahayd loo xilsaari waayo, faraha ayey ka baxaysaa, ee maanta ayey wax waba dhaw yihiin ee Madaxweyne cida shaqadan leh u dir”.

Mar uu ka hadlaayey tabashooyinka jira ayaa yidhi "Gobol kastaaba wax buu tabanaya, tabasho kasta oo jirtana in halkeeda lagu dhammeeyo weeye, in la is adkeeyo, ama la is diidsiiyo tabashooyinka jirana maaha, inta la is diidsiinayo waxaa ka haboon oo ka qurux badan in la yidhaahdo waxba lagama qaban karo, anagu hore ayaanu uga hadlaynay arrimaha saami-qaybsiga, in wax laga qabtaana waa mid aanu filayno oo aanu sugayno”.

Mar uu ka hadlaayey Daahir Rayaale ayaa yidhi "Madaxweynihii hore Somaliland Muddane Daahir Rayaale Kaahin, si odaytinimo ayuu u hadlay, dardaaran iyo talooyina uu soo jeediyey, in talooyinkiisa la tixgeliyo oo la qiimeeyo ayaa haboon”