Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Xaalada Musuq maasuq Ee Somaliya
Waxa kale oo la sheegay inay jiraan kooxo iyo dad gaar ah oo si bilaa xad ah ugu tagri fala awooda dawlada iyo hantida ummada Somaliyeed,sidaasna waxa lagu sheegay warbixintaasi la gudbiyey sannadkan.
Warbixinta sannadkan la gudbiyey oo sannadkan ka koobnayd 461 bog ayaa lagu sheegay inay jiraan arrimo ay kamid yihiin Budhcad badeednimada,Habka marayneed ee maaliyada ,dagaalada lagula jiro ururka Alshabab iyo huno qabataynta hubka ee saran Somaliya oo ay sheegeen inay jabtay.
Warbixintan ayaa qoraalkeeda lagu bilaabay in doorashadii uu ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud inay ahayd tii soo afjartay ku meel gaadhnimadii dawlada Somaliya,sidoo kalena ay caalamka u horseeday inay siiyaan dhaqaale badan,iyada oo la doonaayo in meesha laga saaro musuq maasuqa iyo dayacnaanta hawlaha dawlada,iyaga oo sheegay in madaxweynuhu dhaxlay maamul aan awood lahayn,sidoo kalena aan lahayn hab lagu maamulo laguna ilaaliyo hantida umada ,gaar ahaana lacagaha.
Waxay guddidani sheegeen inay tan iyo sannadkii hore oo ahaa sannadkii ay soo saareen warbixintoodii ugu horeysay ee arrimaha Somaliya in beesha caalamku dhaqaale badan gelisay dalkaasi Somaliya,iyada oo ku guuldaraysatay inay wax ka qabtaan maamul xumada ragaadisay dalkaasi ,sidoo kalena inay Somaliya weli ka jirto xaaladii ka jirtay waqtigii ay ku jirtay xilligii kala guurka ahaa,iyada oo ay ragaadisay musuq maasuq balaadhani,taas oo ay keentay xisaab la’aan jirtaa.
Warbixintan ayaa xustay in ciidamada amaanka dawlada Somaliya yihiin kuwo weli aaminsan dhinaca qabiilladda,gaar ahaana danaha qaabilka oo ku salaysan qabiilada ay kazoo kala jeedaan,iyada oo la sheegay in wasaaraddaha laga helaayo kooxo awood badan oo halkaas jooga.
Waxaanay guddidani xuseen in caalamku siiyey ciidamada AMISOM oo ay kordhiyeen taageeradda la siiyo haddana ay weli ururka Alshabaab awood badan oo halis ah ku lee yihiin nabadgelyadda dalkaasi Somaliya.
Waxa kale oo ay xuseen inay awooda Alshabaab ka yaraatay siday ahayd sannadihii 2009 ilaa 2010 kii,iyaga oo sheegay inay waqtigaasi maamulka u hayeen dhul balaadhan oo Somaliya kamid ah,iyada oo ay iminka gacmaha u galeen xubnihii ugu sareeyey ururkaasi madax xagjir ah,kuwaas oo xidhiidho la leh ururo kale oo ka jira wadamada jaarka la ah dalkaasi Somaliya.
Waxa kale oo la xusay in ciidamada loo yaqaano Amniyaadka oo kamid ah sirdoonka Alshabaab ay weeraro kala duwan oo badan ka fulliyeen dalkaasi Somaliya iyo wadamada deriska ah intaba,iyaga oo sidoo kalena gudidani ka hadlay arrimaha gudaha oo ay soo qaaten xaalado ka taagan Somaliya iyo Somaliland labadaba.
Waxaanay soo qaateen xaalada Gobolka Sool oo ay sheegeen inay isku hastaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo ay saddexeeyaan kuwa Khaatumo,iyaga oo gobolkaasi ku sheegay inuu yahay mid shidaal ku hodan ah,taasina ay tahay mid keenaysa amaan daro Somaliya dib uga dhalata.
Waxaanay sheegeen in colaadaha ka taagan gobollada shabeelada dhexe ay ku lug lee yihiin qaar kamid ha saraakiisha dawlada Somaliya oo taageero hoose siiya beelohooda,iyaga oo ku maal gelinaaya lacagta la musuq maasuqo,sidoo kalena hubka dawlada siinaaya,iyada oo sidoo kalena ay halkaasi ka dhacaan siday tilmaameen xadgudubyo xuquuqda aadamaha ahi.
Arrintan ayay gudidu ku sheegeen mid salka ku haysa doonitaanka beelaha qaarkood oo doonaaya inay helaan awood iyo gobolo ay maamulka federalka wax kaga helaan,sidoo kalena dhaqaale ka helaan,taas oo ay tilmaameen inay wiiqi karto dagaalada lagula jiro ururka Alshabab.
Kooxdan ayaa sheegtay inay hoos u dhacday budhcad badeednimadii ,iyada oo ay weli taagan yihiin waxyaalihii keenay budhcadnimadu,sidoo kalena ay hogaamiyeyaashii budhcaddaasi ay weli xoriyad ku joogaan dalka,inkasta oo qaarkood la xidh xidhay siday sheegeen kooxdaasi.
Musuq maasuqa Somaliya ayay sheegeen inuu weli yahay mid jira,isaga oo meelaha qaarkoodna sii batay,iyaga oo tilmaamay in lacagaha lagu bixiyo musuq maasuqu ay 80% inay tahay hantida qaranka Somaliya,iyada oo sidoo kalena lagu bixiyo siday sheegeen arrimo gaar ahaaneed iyo kuwo xisbi intaba.
Waxa kale oo ay yidhaahdeen waxa weli jira wax is daba marin ay hore u wadeen dawladihii ka horeeyey dawladani,iyaga oo tan iyo badhtamihii sannadkii 2013 kii ay sii kordhayeen saxeexyadda heshiisyo iyo qandaraasyo qarsoodi ah oo aanay cidina ogayn,kuwaas oo xataa laga qariyo baarlamaanka Somaliya,sidoo kalena aanay waxba ka ogayn beesha caalamka iyo shacabkuba,taas oo ay yidhaahdeen waxay albaab u furtay hantida Qaranka.
Lacagta ka baxaysa baanka dawlada ayaa la sheegay inay ku baxdo hab ay ku sheegeen fadlan hebel lacagtaas sii ,taas oo ay sheegeen inay baal marsan tahay hanaanka dawladnimo,iyada oo aan lacagtaas lagu qorin xisaabaadka dawlada,iyaga oo tilmaamay in aanu waxba ka ogayn guddoomiyaha baanka dhexe meesha ay lacagtaasi ku baxayso,xadiga lagu bixiyo habka fadlan hebel lacagta siina waxay ku sheegeen 70%.
Contact@afkashacabka.com
Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Xaalada Musuq maasuq Ee Somaliya
Golaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa dhowaan loo gudbiyey warbixintii sannadlaha ahayd oo laga diyaariyo dalkaasi Somaliya, taas oo sannadkan lagu sheegay in hantida qaranka Somaliya 80% loo isticmaalo dano gaar ah.