Madaxwaynaha Somaliya Oo Beeniyay Edaymo Dusha Uga Tuurtay Qaraamada Midoobay

0
Saturday October 18, 2014 - 23:04:42 in by salman abdi
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliya Oo Beeniyay Edaymo Dusha Uga Tuurtay Qaraamada Midoobay

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in qof asiga ku dhow uu ku lug leeyahay in hubka dowladda loo weeciyay dhanka ururka Al-shabaab,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in qof asiga ku dhow uu ku lug leeyahay in hubka dowladda loo weeciyay dhanka ururka Al-shabaab,



wuxuuna beeniyay warbixin ay soo saartay kooxda la socodka arrinta Soomaaliya ee Qaramada midoobey oo baadhitaan ka sameeyay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabayay warbixin ay soo raareen UN monitoring group, taas oo lagu xusay in hubka iyo rasaasta dowladda lagu iibiyo suuqyada iyo bannaanada, waxaana lagu yidhi warbixinta hubkii dowladda loogu deeqay waxa uu gacanta u galaa Al-shabaab.

Warbixintan ay soo saareen Qaramada midoobey ayaa lagu xusay magaca ah Muusa Xaji Maxamed oo loo yaqaano Ganjab, oo ah ganacsade Soomaali ah, oo la sheegay inuu la taliye u yahay madaxweynaha inuu ku lug leeyahay heshiisyada hubka dowladda lagu iibiyo.

Madaxweynaha oo la hadlay telefishinka France24, ayaa sheegay in shaqada laamaha UN-ka aanayahayn eedeyn, balse ay tahay hurmarinta iyo sare u qaadidda dalka.

Wuxuuna intaa raaciyay madaxweynaha aanuu jirin qof lagu magacaabo Muuse oo weligii la taliye ka noqday xafiiska madaxweynaha. Wuxuuna dalbday in UN monitoring Group ay cadeeyaan xilliga Muuse Xaji uu noqday lataliyehiisa.

Reuters ayaa sidoo kale soo xigatay Ganjab oo ah ninka la eedeeyay, wuxuuna iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay arrimahaasi.

Warbixinta ay soo saartay kooxda la socodka Soomaaliya iyo Eritereya ee Qaramada midoobey, oo ka koobnayd 482-bog, ayaa eedo badan loogu jeediyay dowladda Soomaaliya, iyo xittaa qaar ka mid ah ciidamada AMISOM.

Kooxdan ayaa Golaha Amniga ee Qaramada midoobey u soo jeedisay in ciidamo caalami ah la geeyo badda Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhiga maraakiibta caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida, haddii looga shakiyo inay hub qarsoodi ah u sidaan gudaha Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay ku soo bandhigeen, in goluhu uu xaddido hubka ay dowladda Soomaaliya soo dhoofsan karto.



Contact@afkashacabka.com