Dibad Baxayaal Lagu Xidhay Hon Kong Lona Adeegsaday Sunta Indhaha Ka Ilamaysisa

0
Saturday October 18, 2014 - 22:53:53 in by salman abdi
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad Baxayaal Lagu Xidhay Hon Kong Lona Adeegsaday Sunta Indhaha Ka Ilamaysisa

    Dhaqdhaqaaqa dimuqraadiga Hong Kong ayaa dib ugu laabtay qaar ka mid ah goobahoodii dibadbaxa intii uu socday isku dhac dhexmaray booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqdhaqaaqa dimuqraadiga Hong Kong ayaa dib ugu laabtay qaar ka mid ah goobahoodii dibadbaxa intii uu socday isku dhac dhexmaray booliska.


Kumanaan dibadbaxayaal ah, qaarna ay xidhan yihiin indhogashiga wax celiya iyo koofiyadaha madaxa ilaaliya ayaa galay xayndaabyo dib loo dhisay deegaanka Mong Kok. Booliska ayaa adeegsaday ulahooda iyo waxyaaba dadka ilmada ka keena.

15 sarkaal ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen, waxaana la xidhay 26. Madaxa booliska Hong Kong, Andy Tsang, ayaa dhaliilay dibadbaxayaasha isagoo ka digay dhaqanka ceynkaas ah inuusan nabadgelyada u dan ahayn, uuna khatar galinayo ammaanka guud.

Hogaamiyaha dibadbaxayaasha ayaa sheegay amarka uu bixiyay madaxa fulinta Hong Kong C. Y. Leung, ee lagu qaaday teendhooyinkii ay ku dibadbaxayeen ay caqabad ku noqotay wadahadalka. Dibadbaxayaasha ayaa u doonaya Hong Kong dimuqraadiyad buuxda. Shiinuhuna wuxuu ku adkeystay inay leeyihiin hadalka ugu dambeeya cidda xukumeysa doorashada tooska ah ee sanadka 2017ka dhaceysa.


Contact@afkashacabka.com