Weriye Cabdi Cisman Almis oo Noqday Weriyihii ugu horeeyey ee shaaciyey Hankiisa Siyaasaded

0
Sunday October 19, 2014 - 10:45:45 in by salman abdi
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Cabdi Cisman Almis oo Noqday Weriyihii ugu horeeyey ee shaaciyey Hankiisa Siyaasaded

    Cabdi Cismaan Almis, oo ka mid ahaa Wariyayaasha ugu caansan bahda saxaafadda Somaliland isla-markaana 15-kii sanadood ee u dambeeyay barbaamij soo saare ka ahaa Telefiishanka Qaranka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Cismaan Almis, oo ka mid ahaa Wariyayaasha ugu caansan bahda saxaafadda Somaliland isla-markaana 15-kii sanadood ee u dambeeyay barbaamij soo saare ka ahaa Telefiishanka Qaranka,

ayaa maanta shaaciyey inuu u sharaxan yahay doorashada Golaha Wakiilada ee sanadka soo socda. Sidaana waxa uu ku sheegay War-saxaafadeed uu ka soo saaray Hargeysa.

Cabdi Cismaan Almis, oo lagu xasuusto inuu si dhexdhexaadnimo ah ugu adeego saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka mid noqdo musharixiinta reer Somaliland ee u tartamaya doorashada Baarlamaanka, si buu yidhi aan uga midho dhaliyo hami Xildhibaannimo oo aan muddo dheer ku taamayey.


Cabdi Almis, ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ka fiirsanayo xisbiga uu iska soo sharaxayo, hasa-yeeshee uu hadda laga bilaabo yahay Musharax u taagan doorashada Baarlamaanka Somaliland.

War-saxaafadeedka uu arrimahaasi kaga hadlay ayaa u qornaa sidan "Marka hore ILAAHAY-baa mahad dhamaanteed iska leh, waxaan aad ugu faraxsanahay in cimrigayga, caqligayga iyo aqoontayda iyo waaya aragnimadayduba igu ismaan inaan isu soo taago tartanka doorashada baarlamanka Somaliland, maadaama oo aan ka mid ahay muwaadiniinta Somaliland ee dastuurku xaq u siiyay in la doorto, waxna doortaan anigoo kalsooni buuxda ku qaba bulshadeyda aan codka ka rabo..

Sida laga war qabo dawlad nimada Somaliland waxay ka kooban tahay saddex rukun oo kala ah sharci dejin, garsoor iyo fulin, waxaan in badan ku hamiyay rukunka ugu muhiimsan dawlad nimadeena inaan ka mid noqdo, kaas oo ah sharci dejinta oo ah shaqada qaran ee uu qaabilsan yahay golaha wakiilada Somaliland, waxaan aaminsanahay in gulaha wakiilada shaqadiisu tahay in uu diyaariyo shuruuc iyo xeerar horumar u hor seedi kara mustaqbalka shacabka Somaliland iyo kuwa dhalan doona, waxaana mudane kastaa ku qasban yahay in dantiisa uu ka horaysiiyo wax ka qabashada baahiyaha aas saasiga ah ee uu u balan qaaday bulshada soo dooratay tusaale fiicana u noqdo xildhibaanada kale ee laga yaabo in arimo kale oo aan shaqadooda ahayn kaga mashquulaan bulshadii soo dooratay sida hore u dhacday.

Cabdi Almis

Cabdi Cismaan Almis: Musharax U Taagan Doorashada Baarlamaanka Somaliland

Waxaan ka fiirsanayaa xisbiga ugu haboon ee aan ku qanco hanaankiisa hoggaamineed iyo barnaamijyada lagu hanan karo bulshada aan codka ka rabo si aan u noqdo musharax miisaan iyo codad ku soo kordhin kara xisbiga aan ka sharaxanahay, waayo waxaan aaminsanahay inaan ahaa Suxufidhexdhexaad ah u ahaa xisbiyada qaranka, laakiin waxaa la gaadhay wakhtigii aan dooran lahaa xisbi barnaamij fiican oo aan ka mid noqdo xubnaha ugu tartami doona doorashada baarlamanka Somaliland ee la filayo in dalka ay ka qabsoonto 2015, haddii allah idmo.


Waxaan halkan uga mahad celinayaa dhammaan intii ugu taageertay inaan u tartamo doorashadan haddii ay tahay madax-dhaqameed kala duwan, sida cuqaasha, Salaadiinta iyo asxaabtayda aanu isku mihnadda saxafadda nahay waxaanan u balan qaadayaa haddii ilaahay igu guuleeyo ka mid noqoshada mudanayaasha golaha wakiilada in aan ka dhabayn doono ka midha dhalinta masuuliyadda is saaran ee ah in aan daacad ugu adeego bulshada isoo dooratay insha Allaah…” 




Contact@afkashacabka.com