Is Barbar Dhig Xoghaye Uurcadde IyoXoghaye Khadar Jug soo Dhacay

0
Saturday October 12, 2019 - 10:33:37 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is Barbar Dhig Xoghaye Uurcadde IyoXoghaye Khadar Jug soo Dhacay

    Is Barbar Dhig Xoghaye Uurcadde IyoXoghaye Khadar Jug soo Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is Barbar Dhig Xoghaye Uurcadde IyoXoghaye Khadar Jug soo Dhacay

14kii Bishii April sanadkii 2018-kii ayaa sifo sharciga xisbiga baalmarsan ay guddida fullinta Xisbiga WADDANI kullan ay iskugu yimadeen xarunta xisbigaasi ku sheegeen inay xilkii xoghayenimo kaga qadeen Xoghayihii guud ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, kaasi oo ay eeddo mac-mal ah ku eddeeyeen, balse arrintu ay ahayd mid qabyaaladdaysan oo la doonayey in isagu madaama oo aanu ka soo jeedin beesha cirro in xilka lagaga qaado oo lagu dhaafiyo xayndaabka Xisbiga uu kusoo tabcay, waxaanay afar maal-mood ka dib hab aan sharci ahayn u cumaamadeen shaqsi ay hab qabyaaladeed ku keeneen oo ku cusbaa saaxadda siyaasadda dalka, kaasi oo illaa hadda hab aan xalaal ahayn kursiga xoghayenimo ee WADDANI ku haya.

Dadka siyaasadda Somaliland rog-roga ayaa arrintaasi ku tilmaamay wax laga xumaado, isla markaana baalmarsan xeer hoosaadka xisbiga u yaalay, iyagoo sheegay in Xoghaye Uurcadde looga qaadi karrayey xilka keliya ay ahayd shirkii lagu doortay mid lamid ah, balse aan afar qof oo qol soo xidhay ka qaadi karrin xilkaas sharciyan, taasi oo kasoo horjeeda habka dimuqraadiyadda xisbiyaddu caalamku u dhisan yihiin.

28kii bishii sagaaleed ee sanadka 2019-ka oo shirkii gollaha dhexe ee Xisbiga WADDANI lagu soo afmeeray magaalada Burco, kaasi xubnaha golllaha dhexe ay u codeeyeen xil ka qaadis lagu sameeyo Xoghaye Uurcadde oo laba sano ka hor in ku dhaw si beellaysan looga eryey Xisbiga WADDANI oo uu kamid ahaan jiray asaasayaashiisii, waxa kale oo isla shirkaas laga dalbaday inay xalaaleeyaan xoghayenimadda Khadar Jug soo dhacay oo isaga lagu keenay hab-qabyaaladdaysan, kaasi oo ay xididi iyo xigeel hoose yihiin Mr Cirro.

Kuma Ayuu ahaa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ?

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa ahaa xoghayihii ugu horreeyey ee Guud ee Xisbiga WADDANI, markii la aasaasay uu yeeshay, waxaanu kamid ahaa aasaayaashii Xisbiga WADDANI raggii bud-dhiga u ahaa,isla markaana daacadda u ahaa xisbigaas, kaasi oo tacaba badan geliyeyoo oo ay dadka reer Somaliland ka markhaati yihiin, 14kii bishii April 2018kii ayey si aan waafaqsanay xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI ay koox lagu sheegay guddida fullintu ay shaaciyeen inay xilkii iyo xubinimaddii Xisbiga ka qadeen Mr Uurcadde , taasi oo uu isna ganafka ku dhufta , isla markaana dacwad ka dhan ah arrintaasi Maxakamadda u gudbiyey.

Maxamed Cabdilaahi Uuracadde ayaa ahaa shaqsi isku haynta xisbiga iyo guusha xisbiga oo heelanaa , isla markaana habeen iyo maalin u ordayey siyaasiga uu dhisayo siddii u u iib-geyn lahaa, se muu ahayn shaqsi isagu is iibinaya ama is dhisaya,waxaanay arrintaasi sababtay in xataa ay isku seegaan ehelkiisa gaar ahaana kuwii ugu dhawaa iyo guud ahaanba haldoorka iyo siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeeddo .

Waa Kuma Khadar Jug soo dhacay ?

18 April 2018kii ayaa sifo aan sharci ahayn loogu cumaamaday Khadar Xuseen cabdi " Khadar Xiirraneā€¯ inuu noqdo Xoghayaha guud ee WADDANI, kaasi lagu keenay hab beelaysan, iyadoo ay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI ay arrintaasi si weyn uga biyo diideen

Magacaabistiisa ayey dadka siyaasadda xisbiyadda Somaliland u arkayeen inay tahay mid sharci darro ah, isla markaana kasoo horjeeda habka dimuqraadiyadda ay axsaabta dunidu u dhaqmaan .

28 bishii sagaalaad 2019-ka ayaa shirkii gollaha dhexe ee xisbiga WADDANI ku yeeshay Magaalada Burco waxay Khadar Xiiranne ugu ansixiyeen inuu noqdo Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI , kadib markii uu Guddoomiye Cirro oo shaqsigan watay uu ka dalbaday.

Khadar Jug soo dhacay ayaa ah shaqsi socod barad ku ah saaxada siyaasadda Somaliland, kaasi oo u muuqda mid isagu is iibinaya oo is dhisaya marka aad eegto hab dhaqankiisa iyo ficiladdiisa laabla kaca ah, balse aan iibinay oo aan dhisayn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharax Xisbigaas Mr Cirro, taageerayaasha iyo haldoorka Xisbiga WADDANI ayaa aamin san in Khadar Jug soo dhacay aannu u qalmin xilka Xoghayenimo ee xisbiga,.