Ujeedada Safar ay Nairobi ku tegayaan Guddomiyaasha Saddexda Xisbi Qaran

0
Sunday October 19, 2014 - 11:26:59 in by salman abdi
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Safar ay Nairobi ku tegayaan Guddomiyaasha Saddexda Xisbi Qaran

    Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI – Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – ayaa u dhoofaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya gelinka hore ee maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI – Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – ayaa u dhoofaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya gelinka hore ee maanta.


Ma jiro wax war ah oo laga soo saaray safarka saddexda guddoomiye xisbi ku tegayaan Nairobi iyo ujeeddada socdaalkooda toona, hase ahaatee ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in guddoomiyeyaasha KULMIYE, UCID iyo WADDANI ka dhoofi doonaan Madaarka Hargeysa abbaaro 11:00-ka barqanimo ee Axadda maanta, una duuli doonaan dhinaca caasimadda dalka Kenya oo looga yeedhay.


Waxa kaloo xogahaasi tibaaxeen in ujeeddada safarka weftiga madaxda asxaabta qaranku salka ku hayo martiqaad uga yimi qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka oo xaruntoodu tahay magaalada Nairobi, halkaas oo ay kula yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda ee 2015.


Dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ah ayaa la filayaa inay door weyn ka qaataan qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo Wakiillada Somaliland, iyagoo ballanqaaday inay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinkaas, waxayna gacan ka geysteen xallinta khilaafkii ka taagnaa diiwaangelinta oo xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID si wadajir ah uga heshiiyeen bishii September ee la soo dhaafay
Ilaa hadda ma cadda qodobadda ay ka wadahadli doonaan guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran iyo qaandhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee ku martiqaaday xaruntooda magaalada Nairobi, balse waxa la filayaa inay socdaalkoodu la xidhiidho arrimaha doorashooyinka Somaliland oo la doonayo inay qabsoomaan sannadka 2015.




Source: Jamhuuriya