Daawo:Madaxweynekuxigenka JSL oo Kormeer Kedis ah Saaka ku Tagay Wasaaradaha Dalka Qaar kamid ah iyo Xarumo Kale.+SAWIRO

0
Sunday October 19, 2014 - 16:29:10 in by salman abdi
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Madaxweynekuxigenka JSL oo Kormeer Kedis ah Saaka ku Tagay Wasaaradaha Dalka Qaar kamid ah iyo Xarumo Kale.+SAWIRO

    Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu maanta Kormeer kedis ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu maanta Kormeer kedis ah

ku soo maray qaybo ka mida Wasaaraddaha Dalka, Goobaha Diwaangelintu ka socoto iyo Hay’adda Shaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo markaasi ay ka socdeen hawlo shaqo oo aad u baaxad badan iyo shirar kala duwan, waxaana halkaasi ku dhamaa masuuliyiinta wasaaradaasi, oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Wasiir ku xigeenka Amniga Mudane Cali Maxamed Cali , Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolkada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaarada.

Madaweyne ku xigeenka oo sii wata hawlihiisa Shaqo ee la xidhiidha xogogaal u noqoshada hawlaha qaranka ay wasaaraduhu u hayaan ayaa waxa uu u sii gudbay wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda Shaqaalaha oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiintoodu.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray qayb ka mid ah goobaha ay ka socoto Diwaangelinta Muwaadinku, gaar ahaan Degmada Gacan libaax, waxa uu madaxweyne ku xigeenku la kulmay muwaadiniin badan oo safaf ugu jira duwaangelinta muwaadinka, iyo shaqaalaha ku hawlan diwaangelinta una adeegaya dadkooda iyo dalkoodaba.

waxaana halkaasi madaxweynaha war bixino ku siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha gudaha.

waxaanu madaxweynuhu ku hambalyeeyey shaqaalaha diwaangelinta meel ay joogaanba hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayaan, shacbiga somalilandna waxa uu ugu baaqay inay ku dedaalaan inay noqdaan kuwo qarankooda metela oo buuxiya shuruudaha muwaadinimo isna diwaangeliyaan si ay u qaataan kaadhka aqoonsiga muwaadinka ugana duwanaadaan ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku kuwa soo gelootiga ah ee aan u dhalan dalkeena. 




Contact@afkashacabka.com