"Madaxweynuhu Haddii Uu Soo Af Jaro Dhibta Ka Taagan Ceel-Afweyn, Bilad Sharaf Buu Inaga Mudan Yahay, Oo Weynu Gudoonsiin"

0
Wednesday October 16, 2019 - 12:56:10 in by salman abdi
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynuhu Haddii Uu Soo Af Jaro Dhibta Ka Taagan Ceel-Afweyn, Bilad Sharaf Buu Inaga Mudan Yahay, Oo Weynu Gudoonsiin"

    "Madaxweynuhu Haddii Uu Soo Af Jaro Dhibta Ka Taagan Ceel-Afweyn, Bilad Sharaf Buu Inaga Mudan Yahay, Oo Weynu Gudoonsiin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynuhu Haddii Uu Soo Af Jaro Dhibta Ka Taagan Ceel-Afweyn, Bilad Sharaf Buu Inaga Mudan Yahay, Oo Weynu Gudoonsiin"

Wasiirkii Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay xaalada Deeganada Ceel-afweyn, waxaanu sheegay in labadaas beelood ee halkaas wada dega u baahan yihiin inay dantooda gartaan, oo ay ducaystaan, soona af jaraan colaada dhexdooda taala.

Wasiirkii Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn yidhi "Dagaal xaq daro ahi faan ma galo, oo dhiig daadanayaa faan ma galo, aano iyo aarsi faan ma galaan, ee dhibaatada ka taagan Ceel-afweyn, waa dhibaato soo noq-noqotay, oo u baahan in wax laga qabto, marar badan labadaas reer ee halkaas wada dega waa la heshiisiyey, oo waa loo duceeyey, imikana waanu u ducaynaynaa, ee ALLE bogooda burcad ha isku mariyo, labada Beeloodna, dantoodu waxay ku jirtaa heshiiskooda iyo nabadooda, ee ha ilaashadan, mar haddii uu Madaxweyne Muuse Biixi yidhi coladaas waanu soo af jaraynaa ALLE ha u aqbalo niyadiisa, sida ugu haboona u soo af jaro, waxaana rajanayaa inay nabad waarta uu ka dhex dhaliyo labada Beelood, Madaxweynuhu haddii uu soo af jaro dhibta ka taagan ceel-afweyn, bilad sharaf buu inaga mudan yahay oo waynu gudoonsiin.”