Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland oo u Digay Dad uu sheegay Inay Magaciisa Facebookga ku isticmaalan, Caddeyeyna inaanu Facebook isticmaalin

0
Sunday October 19, 2014 - 18:49:18 in by salman abdi
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland oo u Digay Dad uu sheegay Inay Magaciisa Facebookga ku isticmaalan, Caddeyeyna inaanu Facebook isticmaalin

    "FACEBOOK Aan Leeyahay Oo Aan Isticmaala Haba-yaraate Ma Jiro, Cidda Magacayga Ku Isticmaashaana Waxaan Leeyahay….." Taliye Cabdilaahi Fadal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"FACEBOOK Aan Leeyahay Oo Aan Isticmaala Haba-yaraate Ma Jiro, Cidda Magacayga Ku Isticmaashaana Waxaan Leeyahay….." Taliye Cabdilaahi Fadal

Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shaaciyay inaanu lahayn FACEBOOK uu isticmaalo, isla markaana ay jiraan dad magaciisa ku isticmaala Facebook-ga.

Taliye Fadal waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hayaannews.com, Waxaanu la socodsiiyay shacabka reer Somaliland iyo cidd-kasta oo isticmaasha Facebook-ga inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan:

"Facebook aan leeyahay oo aan isticmaala habayaraate ma jiro, sidaa daradeed,waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan.”Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal

Mar uu Taliye Fadal la hadlayay cidda magaciisa sida been abuurka ah ugu isticmaasha Facebook-ga waxa uu yidhi "Waxa jira in magacayga Facebook-ga lagu isticmaalo oo cidda isticmaasha aanan garanayn, Sidaa daradeed waxaan u sheegayaa Cidda magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameeyeen”. ayu yidhi


Xigasho hayaannews.com