Madaxweynaha Iran walalkii oo xabsiga loo taxaabay

0
Thursday October 17, 2019 - 07:40:03 in by salman abdi
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Iran walalkii oo xabsiga loo taxaabay

    Madaxweynaha Iran walalkii oo xabsiga loo taxaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Iran walalkii oo xabsiga loo taxaabay

Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Iran, Hassan Rouhani ayaa lagu soo warramayaa in uu u bilawday shan sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dembi musuqmaasuq.

Qareenka Hossein Fereydoun, oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalkaas, la taliyena u ahaa ayaa sheegay in Hosseni uu maalin kahor galay xabsiga Evin ee Magaalada Tehran.

Ninkan ayaa lagu helay dembi ah in uu qaatay "laalush" bishii May ee sanadkan, markii lagu helay dembigaas na lagu xukumay toddobo sano oo xarig ah.

Hossein Fereydoun, ayaa dib ugu laabtay maxkamadda, si uu racfaan uga qaato kiiska, waxaana laga yareeyay xukunka oo lagu soo koobay shan sano.

Hossein ayaa sidoo kale lagu amray in uu dowladda ku wareejiyo hantidii uu ku iibsaday lacagtii laalushka ahayd ee la sheegay in uu qaatay, waxaana sidoo kale loo raaciyay ganaax lacageed oo dhan 310 bilyan oo riyaal, taas oo u dhiganta 2.1 milyan oo doolar.

.
Image captionHassan Rouhani

Fereydoun aya beeniyay in uu wax dembi ah galay, waxaana dadka taageersan siyaasadaha Madaxweynaha dalkaas oo ninkan ay walaalo yihiin ay shegeen in arrintan ay ka dambeeyaan dad mayal adag oo katirsan garsoorka dalka Iran, doonayana inay bahdilaan Madaxweyne Hassan Rouhani.

Hasayeeshee garsoorka dalkaas oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in aysan jirin arrimo siyaasadeed oo la xiriira arrinkan.

Madaxweyne Rouhani ayaa sanadihii 2013 iyo 2017 xiliyadii uu ku guda jiray ololaha doorashada waxaa uu ballan qaaday in uu la dagaalami doonaa musuqmaasuqa, haatan se waxaa muuqata in dagaalkaas lagu helay isla walaalkii.

Madaxweynaha Iran ayaa markii uu dhashay loogu wanqalay Hassan Fereydoun, balse tobanaan sano kahor ayuu magaciisa badelay oo uu ku badelay Rouhani oo ay micnaheedu tahay ruuxi.

Dalka Iran oo la saaray cunaqabateyn dhaqaale oo ay kusoo rogtay dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu xifaaltan dhanka awooda ee bariga dhexe uu kala dhaxeeya dalal ay kamid yihiin Mareykanka iyo Sacuudiga oo ay isku hayaan dagaalka dalka Yemen.