Duullaanka Turkigu ku qaaday Suuriya ma aha mid ka dhan ah Mareykanka

0
Thursday October 17, 2019 - 07:49:03 in by salman abdi
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duullaanka Turkigu ku qaaday Suuriya ma aha mid ka dhan ah Mareykanka

    Duullaanka Turkigu ku qaaday Suuriya ma aha mid ka dhan ah Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duullaanka Turkigu ku qaaday Suuriya ma aha mid ka dhan ah Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xudday Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday "xudduuddooda", waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn "malaa'ig".

Mareykanka ayaa cambaareyn xooggan kala kulmaya tallaabadii uu ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya, waxaana dadka qaar ay ku doodayaan in arrintaasi ay sahashay in Turkigu uu ka tallaabo xudduudda uu la leeyahay Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn "booliska caalamka".

"Waxaa la joogaa xilligii ciidamadayadu ay dalka ku soo laaban lahaayeen," ayuu yiri Trump.

Xubnaha Aqalka Wakiillada ee baarlamaanka Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya.

Turkiga

Turkiga ayaa usbuuc ka hor duullaan xooggan ku qaaday woqooyiga Suuriya si halkaasi uu uga saaro xoogagga Kurdiyiinta ee YPG isla markaana uu deegaannada xudduudda ku dhow uu uga sameeyo aag nabdoon oo uu dejiyo malaayiinta qof ee qaxootiga reer Suuriya.

Hawlgalkaasi Turkiga ayaa billowday ka dib markii madaxweyne Trump uu amar ku bixiyay in dalkaasi laga saaro ciidamada Mareykanka.

Ciidamada milatariga Turkiga oo garab ka helaya maleyshiyaad maxalli ah ayaa billaabay dagaal ay deegaanno u dhow xadka ay la wadaagaan Suuriya uga kicinayaan xoogagga Kurdiyiinta.

Sidey arrintu ku soo gaartay halkan?

turkigaLahaanshaha sawirkaEPA

Turkiga ayaa kooxda SDF u aqoonsan inay tahay urur argagixiso ah.

Mareykanka ayaa kooxdaas ku taageerayay dagaal ay kula jireen ururka la magac baxay dowladda Islaamiga.

Dowladda Turkiga ayaa dooneysa inay halkaas ka sameyso "aag nabdoon" oo la dajiyo dadka qaxootiga ah ee ka cararay colaadda ka socota Suuriya, gaar ahaan kuwa hadda ku sugan gudaha Turkiga.

In badan oo ka mid ah dadka qaxootiga ah ayaan ahayn Kurdiyiin, dadka wax dhaliilana waxay sheegayaan inay tallaabadan noqon karto mid saameyneysa qoomiyadda gobolkaas kaligeed dagganeyd, haddii qaxootiga la geeyana laga tiro badan karo.

Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen aaggaas.

kurdiyiinLahaanshaha sawirkaAFP

Kurdiyiinta waxay dhanka dhulka ka qaadeen dullaan ay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo xulafada kale ay ka caawinayeen dhanka cirka iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Markii ay meesha ka baxeen IS, xoogagga Kurdiyiinta ayaa la wareegay deegannaadii ay joogeen, waxaana xabsiga ay u taxaabeen kumannaan katirsanaa ururka la baxay dowladda Islaamka.

Wakhti badan kuma aysan qaadanin Madaxweyne Trump in Kurdiyiinta uu dareensiiyay in ay bannaan cidla soo istaageen, taasna ay dhalisay walaac horleh.

Wasiirka gaashaandhiga ee Mareykanka, Mark Esper ayaa beeniyay in ay dayaceen Kurdiyiinta Suuriya. Balse marka la eego sida ciidamada Turkiga ay ugu siqayaan deegannaada ay heystaan Kurdiyiinta iyo bixitaanka askarta Mareykanka, taas waxay ku dhalisay walaac wayn.

Markale Kurdiyiinta waxay noqdeen kuwa lagu dan gaaray, waxayna markale miciin bideen cadowgoodi hore - xukuumadda Dimishiq.

turkiga

Kurdiyiinta ayaa maalma ka hor ku dhawaaqay heshiis ay la galeen dowladda Suuriya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Bashar al-Asad, waxayna ogolaadeen in ciidankiisa ay ku wareejiyaan gobolladda ay maamulayeen oo dowladda Suuriya ay ugu dambeysay sannadkii 2012-ka. Arrintaas waxay guul muhiim ah u tahay dowladda Suuriya, oo durbaba la wareegtay goobihii ay ku sugnaayeen xoogagga Kurdiyiinta.

Haseyeeshee, mas'uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegay in aysan marnaba oggolaan doonin dagaal toos ah oo dhex mara ciidamada dowladda Suuriya iyo kuwa Turkiga, xilli hadda howlgalka Milatari ee Turkiga uu kasii socdo Waqooyiga Suuriya.

"Arrintan waa mid aan la aqbali karin... sidaas awgeedna ma oggolaan doonno, dabcan", sidaas waxaa yiri danjiraha khaaska ah ee Moscow u qaabilsan Suuriya, Alexander Lavrentyev.

Dadka wax dhaliila ayaa sheegay in go'aankii uu Mareykanka isbuucii lasoo dhaafay ugu dhawaaqay inuu ciidamadiisa ka saarayo Suuriya uu fursad siiyay Turkiga.

Ruushka ayaa taageero ballaaran siiya hoggaamiyaha Suuriya, Bashaar Al-Asad.