Daawo: Oday Dhaqameedka Gabilay oo ka Biyo Diiday Xukunkii Gacankudhiiglayashi Saraakisha ku Dilay Qorilugud lagu riday
iyagoo Eedaymona u jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Guddomiyaha Guurtida, waxayna sidoo kale sheegeen in Maxkmadda xukunka ay ridday loo yeedhiyey ee... Oday Dhaqameedka Gobolka Gabilay oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargaysa waxaa ay si adag uga hadleen go'aanka maxkamadda Ciidamada Somaliland ay kasoo saartay Dilka Saraakiishii Ka Tirsanaa Ciidamada Somaliland ee Lagu Dilay Deegaankaa Qori Lugud.
Cuqaasha iyo Wax Garadka Gobolka Gabilay ee Halkaasi Isugu yimi isla markaana ka hadlay waxaa ay si adag uga biyo diidsanayeen go'aanka maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliland.
Waxaana ay ku Eedeeyeen Garsooreyaasha Maxkamaddaasi in aanay Si Daacad iyo Caddaalad ah uga Gar naqin Dacwaddaasi oo ay fuliyeen Wax ay Xukuumaddu Usoo Yeedhisay oo aanay ku kalsoonaan doonin marnaba.
cuqaasha oo kulan wayn isugu yimi hotelka Crown Ee Magaalada Hargaysa waxaa ay markale ku Celiyeen in Wasiirada Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo ay Kulmeen Markii Dilku Dhacay ay u Balan Qaadeen in Lagu Daba Jiro oo Xukuumaddu Gacanta kusoo Dhigayso,Caddaaladdana la horkeeni doono Gacan ku Dhiiglihii Dilkaasi Gaystay ,waxaana ay oday dhaqameedku Sheegeen in Wasiirada Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay ka Been Sheegeen Arrinta Sababtana waxaa ay ku Tilmaameen in Wasiiradu ay u Sheegeen in Gacan ku dhiigluhu uu u Baxsaday Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Cadaado isagoo usii dhaafay dhanka magaalada Niarobi.
balse Lasoo Xaqiijiyay In uu ku Sugan yahay Deegaanka Riigga oo 5KM u Jira Degaanka saraakiisha lagu dilay ee Qori Lugud.
Taasina ay Ku Abuurtay kalsooni darro ay xukuumadda ka qabaan Ballan qaadkeeda waa sida hadalka ay u dhigeen oday dhaqameedka gobolka gabilay oo si adag uga hadlay arrintaasi.
"Saleebaan Waxaan Leeyahay Inaadeerkaa ayaa Dilka Gaystay Adiguna Hargaysa ayaad Kursigii Guurtida ku Fadhidaa oo aad waliba ku difaacaysaa labadaasi is barbar dhig oo midkii kuu roonaadda qaado" sidaasi waxaa yidhi caaqil A/laahi Qalinle Fariid.
cuqaasha iyo wax garadkii halkaasi ka hadlay dhammaantood waxaa ay si adag u sheegeen in aanay marnaba qaadanaynin oo aanay u cuntamaynin kana biyo diideen sida ay xukuumaddu u maamushay kiiskaasi oo ay ku tilmaameen mid qorshaysnaa oo laga shaqeeyay.
waxaana ay cawaaqib xumo ka muujiyeen halka ay wax ku dambayn doonaan hadii ay xukuumadda madaxwayne siilaanyo badali waydo habdhaqanka ay ku wajahaday dilka saraakiisha ka tirsanaa militariga Somaliland ee Sida Fudud loogu Dilay Degmada Qorilugud.
si kastaba ha noqotee oday dhaqameedka iyo wax garadka gobolka gabilay waxaa ay Si Kulul u Eedeeyeen Madaxwaynaha Iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo ay sheegeen in ay Caddaalad Darro ku Maamulayaan Wadanka.
waxaana ay muujiyeen in aanay aqbalaynin go'aanka maxkamadda una cuntamaynin waxaana uu kusoo beegmay kadib natiijadii maxkamadda ciidamadu ay ku ridday eedaysaneyaal loo haystay in ay saacideen ninkii dilka gaystay. mana jirto illaa iminka cid ka soo jawaabtay hadalka oday dhaqameedkani kasoo yeedhay oo ka tirsan xukuumada somaliland .

Contact@afkashacabka.com
Daawo: Oday Dhaqameedka Gabilay oo ka Biyo Diiday Xukunkii Gacankudhiiglayashi Saraakisha ku Dilay Qorilugud lagu riday
iyagoo Eedaymona u jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Guddomiyaha Guurtida, waxayna sidoo kale sheegeen in Maxkmadda xukunka ay ridday loo yeedhiyey ee...